Boosaaso(RBC Radio) Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan,Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Iyo Musharax Cali Xaaji Warsame.
Kulamada ay yeesheen Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Kay iyo Bushada Boosaaso oo ka dhacay Hotel International Village ayey Saxaafaddu bannaan joog ka ahayd,waxaana lagawada wadahadlay arrimaha doorashada iyo adkeynta amniga xiliga doorashada.
Mr Kay ayaa marka hore la kulmay Musharax Cali Xaaji Warsame oo u taagan Jagada Madaxtinimada Puntland,Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Maxamuud Muuse Xirsi iyo qaar kamid ah xubno ka socday bulshada rayidka,waxaana si guud uu ugala hadlay qabsoomida doorashada iyo adkeyna ammaanka marka la gaaro wakhtigeeda.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac.ayaa sheegay in dhammaan arrimihii lagawada hadlay si fiican la isula afgartay isla markaana uu rajeynayo in arrimahaas si fiican loo dhaqan geliyo.
…….’’’’ Si wacan oo is afgarad iyo Isfahan,wixii lagawada hadlay meel la isla dhigay,dhammaana ay ahaayeen wixii la isla qaatay…….’’’’’’’ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac.
Kulamadaasi ka dib ayaa Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Nickolas Kay,wuxuu la hadlay Warbaahinta isagoona si faahfaasan uga warbixiyey arrimihii ugu muhiimsanaa uu kala hadlay xubnihii uu maanta kulanka la qaatay.
Wuxuu sheegay iney si qoto dheer ay uga wadahadleen doorashada la filayo iney Puntland ka dhacdo bisha Janaayo 2014, sameynta guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga ammaanka ee qaabilsan doorashada soo socota.
Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa sheegay in loo baahanyahay in la sugo amniga Musharaxiinta,laga ilaaliyo Suxufiyiinta cabrinta iyaguna laga rabo in si dhexdhexaad ah u shaqeeyaan.
Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa booqasho qaadaneysay muddo sadax casho ah ku joogay Puntland,wuxuuna mudadaas kulamo la qaatay Madaxda Puntland,Musharaxiinta iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee deegaanada Puntland.
_______________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com