Muqdisho(RBC Radio) Taliska Ciidamada Amisom ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Itoobiya aan loo dhutin doonin taliyaha ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee hawlgalka Amisom Jen. Andrew Gutti oo la hadlayey wakaalada wararka wadanka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay buuxin doonaan hadii ay ciidanka Itoobiya ka baxaan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.
Taliye Gutti ayaa sheegay in ciidanka Amisom ay u ballan qaadayaan shacabka deegaanada Baay iyo Bakool ineysan mar danbe dhici doonin in kooxda alshabaab ay dib u qabsadeen goboladaas isla markaane ay dhibaateeyaan shacabka deegaanadaas wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney Amisom ka go’an tahay cirib tirka ururka alshabaab.
Gen.Gutti ayaa yiri”waxaan awood u leenahay inaan gaarno goob walba oo ka tirsan dalka Soomaaliya oo aan u aragno in dadka ku dhaqan ay garab nooga baahan yihiin,waana hubaal inaan sugi doono amniga shacabka ku dhaqan deegaanada Baay iyo Bakool”
Hadalka kasoo baxay taliska ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan ciidamada Itoobiya ay faarujiyeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool halkaas oo ay dib ula wreegeen alshabaab waxaana jirta hadal hayn ku saabsan in guud ahaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan deegaanada kale ee ay kaga sugan yihiin goboladaas sida magaalada Baydhabo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho