Hargeysa(RBC Radio) Deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa waxaa waqtiyadii ugu danbeeyey waxaa kusoo kordhaya dadka la xanuunsanaya cudurada dhanka maskaxda ah oo soo ridanaya shacabka deegaanadaas hawlwadeenada caafimaadka magaalada Hargeysa ayaa ku waramaya iney soo badanayaan bukaanada qaba cudurada maskaxda ee lasoo gaarsiinayo goobaha caafimaad ee magaalada Hargeysa.
Dadka uu ku dhoco cudurka maskaxda ayaa ku dhaqaaqay falal ay ka mid yihiin iney is dilaan ama ay isgubaan isla markaane ay dhibaato isku geystaan Ibraahim Max’ed Cabdi oo ka mid ah hawlwadeenada Cisbitaalka magaalada Hargeysa ayaa sheegay iney soo badanayaan bukaanada la ildaran cudurada maskaxda ee lasoo gaarsiinayo Cisbitaalka Hargeysa.
Ibraahim ayaa sheegay in dadka ugu badan ee uu soo rito cudurkani ay yihiin gabdhaha da’da yar wuxuuna sheegay iney keentay korarka arintaasi ay la xiriirto dhibaatooyinka deegaanka oo ay ka mid tahay buufiska iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaa kuwa ku dhaqan deegaanada Soomaaliland.
Bilowgii bishan ayey ahayd markii uu nin qabay cudur dhanka maskaxda ah uu gowracay xaaskiisa iyo 2 carruur ah oo uu dhalay isagoona isne isgaarsiiyey dhaawac xun kadib markii uu iska jaray xubinta tarankiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho