Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaanada oo Isku Khilaafsan Mooshinka Laga Keenay Xukuumadda Saacid Shirdoon

$
0
0

Khadiijo-DiiriyeMuqdisho (RBC) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan mooshin shalay laga keenay xukuumadda raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kaasoo sida lagu wado cod la gelin doono usbuuca soo socda.

Xildhibaanada ayaa lakala safan dhinacyada khilaafku hareeyay ee xafiisyada madaxweynaha iyo raisul wasaaraha, waxaana qaarkood ay taageerayaan mooshinka halka qaar kalana ay diidan yihiin.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha taageersan mooshinka ayaa sheegtay inay ka mid ahayd 168 mudane oo shalay saxiixday mooshinka qabyada ah kaasoo loo gudbiyey shir guddoonka baarlamaanka, walow shir guddoonka aanu sheegin in mooshinka uu soo gaaray iyo in kale.

Khadiija Maxamed Diiriye iyo xildhibaanada ay isku aragtida yihiin waxay qabaan in Sabtida baarlamaanka laga hor akhriyo mooshinka ka dibna la guda galo doodiisa.

Dhinaca ka soo horjeeda waxaa ka mid ah xildhibaan Faysal Warsame Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada ee baarlamanka wuxuuna sheegay in xildhibaano kor u dhaafaya 140 ay shalay meel ku wada qadeeyeen, ayna ka horjeedaan mooshinka laga keenayo xukuumadda raisul wasaare Saacid.

Xildhibaan Faysal wuxuu kaloo cambaareeyay in mooshinka laga baahiyo idaacadaha ka hor inta aanu tegin shir guddoonka ka dibna shir guddoonka uu xaq u leeyahay inuu shaaciyo mooshinka.

Waxaa jira mudanayaal kale oo aan ka mid ahayn labadan garab kuwaasoo sheegaya in sumcada baarlamaanka ay ku lumi doonto haddii ay la kala saftaan madaxweynaha iyo raisul wasaaraha is haya waqtigan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles