Boosaaso (RBC Radio) Musharax Dr Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee u Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud ka baxday heshisyo ay la gashay Puntland.
Dr Cali Xaaji Warsame oo kulan la qaatay Bulshada Boosaaso ayaa sheegay in Dowladda Fedraalka ay ka baxday heshiiyo ay la gashay Puntland balse uu qabo in arrintaas laga gaari karo xal.
Musharaxa ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdirixmaan Faroole uu ku raacsanyahay go’aanka Xukuumadiisa ka qaadatay dowladda Federaalka balse uusan ku waafaqsaneyn inuu ula hadlo sida beelaha.
….’’’Madaxweynaha waxaan ku waafaqsanahay iney dowladda federal ka ahi wax badan ka baxday wixii la isku ogaa,waxaanse ku khilaafsanahay ineynu ula hadalno sida hadalka beelaha u wada hadlaan ineynu Media-da wax isu marino…’’’ayuu yiri.
Sidoo kale,wuxuu sheegay in uu qabo in khilaafka jira lagu dhameyn karo wadahadal lana wada fariisan karo balse mar kasta in la is dhaleeceeyaa laga wanaagsanyahay.
…”"Villa Soomaaliya iney dowlad Soomaaliyeed fariisato,waxaa doorka ugu weyn lahaa dowladda Puntland,Inagaa dalbanay inaan dowlad federal ah yeelano mar hadii Central-kii lagu guuleysan waayey ….’’’ayuu yiri
Musharax Cali Xaaji ayaa sheegay in dowladda federaalka iney dhalato ay door weyn ku lahayd Puntland isla markaana maal iyo nafba lagu bixiyey arrintaas.
….’’’’ Waad la socotaan dowladda federaalka iney dhalato Puntland door bey ku lahayd Gaalkacyo Declaration,Garoowe 1,Garoowe 2, dhaqaalaan ku bixinay,naf baan ku bixinay…’’’ayuu yiri.
Hadalka Musharax Dr Calii Warsame ayaa imaanaya xili xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalku sii xumaanayo,waxayna marar badan Puntland sheegtay ineysan wadahadal la galeyn Dowladda Federaalka inta ay dastuurka qodobada laga saaray lagu soo celinayo.
Si kastaba Musharax Dr Cali Xaaji Warsame ayaa marar badan ku celiyey in laga fogaado Is dhaleeceynta isla markaana la isugu yimaado wadahadal.
_______________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com