Beledweyne(RBC Radio) Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay halkaas ka sameeyey howlgallo balaaran oo lagu soo qabqabtay dad aad u fara badan oo looga shaki sanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.
Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa baaritaanno ka sameeyey xaafadaha ay ka koobantay degmada Beledwyne waxayna baaritaanadaas ku soo qabqabteen ku dhowaad 200 oo ruux, Taliye ku xigeenka ciidamada Militeriga gobolka Hiiraan Kor. Maxamed Aadan ayaa sheegay inay soo qabqabteen dad ay uga shakiyeen inay ka dambeeyeen weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska degmada Beledweyne.
Taliye ku xigeenka ciidamada militeriga gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in baaritaanada ay maanta ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ujeedadiisu ahayd sidii loo adkayn lahaa ammaanka magaalada Beledweyne oo looga saari magaaladaas kooxaha dhibaataynaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Beledweyne.
Maxamed Aadan taliye ku xigeenka ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa ka dhawaajiyay inay maxkamad soo saari doonaan dadka ay maanta kusoo qabqabteen baaritaanadii ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inay cadaalada horkeeni doono dadka lagu helo inay ka dambeeyeen weeraradii laga fuliyay magaalada Beledweyne,Islamarkaane lasii dayn doono dadka lagu waayo wax dambi ah.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho