Garoowe (RBC RADIO) Maxamed C/nuur oo ah nin Ganacsade ah horayna xilka Madaxtinimo ee Puntland isu soo taagay tiriibki hore kana tanaasulay ayaa Maanta Magaalada Garoowe wuxuu kaga dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka Madaxtinimo waxaana xaflad dad badan oo isku dhaf ah ay kasoo qayb galeen lagu soo bandhigay hanka uu ka qabo in uu xilkan ku guuleysto Musharax maxamed C/nuur.
Dadka intooda badan madasha ka hadlay waxay sheegeen in Musharaxan uu yahay nin Nadiif ah aqoon yahan ah wax badannah dalka kusoo kordhinaya hadii la doorto, waxay ugu baaqeen Xildhibaanada in Musharaxan ay codkooda siiyaan si uu uga qayb qaato is bedelka la damacsan yahay in uu Puntland ka hirgalo sida ay hadalka u dhigeen.
Musharax Maxamed C/nuur Xirsi oo dhankiisa hadlay wxuu xusay in uu wax badan ka qaban doono haduu xilka haleelo arimaha Nabadgelyada Dhaqaalaha Ganacsiga,wuxuu sheegay sidoo kale Gudiga Qilaafaadka ee Puntland iyo ISimadaba in ay waajibaadkooda gutaan lagana shaqeeyo sidii meel qura leysugu iman lahaa, musharaxu wuxuu kaloo carabka ku dhuftay hadii xilkan uu ku guuleysto in uu meesha ka saari doono qilaafaadka gaamuray ee u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Puntland wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono wuxuuna ugu danbayn codsaday in la doorto.
Maxamed C/nuur ayaa noqonaya musharaxii 4 raad ee iska sharxa Gobolka Nugaal marka Lagu daro Madaxweynaha Iminka Talada haya waxaana Garoowe ay goor dhaw marti u noqon doontaa musharaxiin Caadaas ka badatay kuwaasi oo u hanqal taagaya in ay hogaanka Puntland la wareegaan waxaana xiliyada soo socda la filayaa in Garoowe ay soo garaan Musharax Cabdi wali Gaas iyo Cali Xaaji Warsame.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka garoowe.