Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaa goor dhawed socdaalkiisa ugu horeeyey ku soo gaaray ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay tan iyo markii loo magacaabay xilka,waxana xubno ka mid ah maamulka gobolka ay ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradda ee Gaalkacyo.
Safarka uu ku yimid Gaalkacyo u qaabilsanaha arrimaha Soomaaliya Qaramada Midoobay Nicholas Kay,ayaa lugu sheegay inuu la xiriiro sidii uu shirar ula qaadan laha Issimada gobolka Mudug,musharraxiinta xilka madaxtinomo ee Puntland isku soo sharaxay xubnahooda Gaalkacyo jooga iyo qeybo ka mid ah bulshada Gaalkacyo.
Shirarka ku dhixmaraya Gaalkacyo Nicholas Kay iyo xubnaha an kor idin ku sheegnay ayaa la sheegey in looga wada-hadlli doonno habka ay u dhacayso doorashada dhacaysa sannadka cusub taaso lugu soo magacaabi doono madaxweynaha ay yeellaneyso dowladda Soomaaliyed ee Puntland.
Nuxurka shirarka ayaa ah sidii looga wada qeyb qaadan laha inay doorashadu ku dhacdo jawi nabddon ayna noqoto mid lugu wadda qanco.
Nicholas Kay ugu horeen waxaa uu shirkiisa la qaadan doona sida la xaqiijiyey musharraxinta utaagan hoggaanka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo,halka sidoo kalena uu ku xijin doonno Issimada gobolka Mudug,ugu danbeen waxay is arki doonan xubno matalaya qeybaha bulshada ee Gaalkacyo.
Ma jirto faah faahin inta dher oo safarka Nicholas Kay laga hayo,walina saxaafadda lama tusin Kay ,balse waxaa lugu wadda in xilliga ay soo dhamaadan shirarkaas inuu ka warbixin doono imaatinkiisa Gaalkacyo.
Isku soo wadda dubo Nicholas Kay socdaal qaadan doona muddo saddex maalina ah ayuu ku jooga Puntland,lama caddeyen inta ay qaadan doonto safarkiisa Gaalkacyo.
Wixii faah faahin ah iyo sawiradda shirarka kala soco Raxanreeb.com
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio