Kuwait(RBC Radio) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka qaybgalaya shirka madaxweynayaasha Afrika iyo Carabta ee ka socda magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait ayaa kasoo jeediyay khudbad dheer oo u uga hadlayo xaaladda guud ee dalka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu horayn khudbadiisa uga hadlay musiibooyinka ta taagan deegaanada maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo ay ka da’ayaan roobab duufaanno wata wuxuuna ka dalbaday dalalka Carabta ee shirkaas ka qaybgalaya inay il gaar ah u eegaan dhibaatada haysata dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in musiibadaas ay waxyeello aad u badan soo gaarsiisay shacabka deegaanadaas ku nool, wuxuuna ka codsaday dowladaha shirka ka qayblagaya inay gurmad lasoo gaaraan dadkaas si looga badbaadiyo waxyeelada kasoo gaartay roobabkii duufaanada watay ee ka da’ayay deegaanada maamulada Puntland iyo Somalinad.
Maxamaed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhinaca sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay soo dhoweeyso dalalka doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan wuxuna xusay in ammaanka Soomaaliya uu iminka sidii hore kasoo hagaagayo.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya ay damaanad qaad buuxa oo dhanka ammaanka ah u samaynayso dalalka doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan wuxuuna ka dhawaajiyay in dalka Soomaaliya uu Alle ku manaystay Khayraad aad u badan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho