Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Musharax horleh oo isu soo taagay xilka Madaxtinimo ee Puntland.

$
0
0

kooshinkooshinkooshinGaroowe (RBC RADIO) Iyadoo 20 musharax ay ku dhawyihiin Raga isu soo taagay in hogaanka Puntland ay gacanta ku dhigaan ayaa waxaa Garoowe maanta kaga dhawaaqay in uu xilkaasi uu doonayo Mudane Cabdi-Daahir Xirsi Cali (Ciiro) musharaxan oo si hufan u faah-faahin Taariiq nololeedkiisa ayaa sheegay in hadii xilkan lagu wareejiyo wax wayn oo la taaban karo uu Puntland ka qabanayo sida uu hadalka u dhigay,waxayna dad badan sheegaan in Musharaxiinta qaar ay xilka isugu soo taagaan si ay ugu sii gogol xaartaan ka mid noqoshada Golaha Wasiirada cusub ee lasoo magacaabo hadii xukuumada hada talada haysa laga guuleysto.

Hadaba Hoos ka aqriso Warsaxaafadeedka Musharaxa oo naga soo gaartay Xafiiskiisa.

Warsaxaafdeed: Musharraxa Madaxweynenimada Puntland, Cabdidaahir Xirsi Cali (Ciiro)

Garowe, 20 November 2013

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Waxaan ugu horrayntii halkaan ka salaamayaa bulsho waynta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Puntland.

Salaan kaddib, anniga ah C/daahir Xirsi Cali ‘Ciiro’ oo ah muwaadin reer Puntland ah oo u taagan musharraxna u ah xilka madaxwaynenimada dawladda Puntland, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh  uga diyarayaa dhammaan shacabka reer Puntland, gaar ahaan ehelada dadkii ku geeryooday, kuwii ku cayroobay, iyo intii kale ee waxyeello ka soo gaartay masiibadii rabbaaniga ahayd ee duufaantii ku dhufatay degaammada Puntland.

Alle ka sokow, Shacabka reer Puntland iyo xukuumadda, ummadda Soomaaliyeed, dawladaha dariska ah iyo bulshada caalamkaba waxaan uga mahadcelinaya gurmadkii degdegga ahaa ee nala soo gaareen iyo sida ay noo garabtaagan yihiin waqtigan adag. Waxaa weli ka codsanayaa in ay sii laba jibaaraan gurmadka iyo dedaallada samata bixinta.

Maanta oo Arbaco, bishuna tahay 20-ka bisha November sanadka 2013, waxaan shirkaan jaraa’id u qab   tay inaan si rasmi ah bulsho waynta Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland u sheego in aan ahay murashax u taagan xilka madaxwaynaha dawladda Puntland iyo doorahsa bisha January  sannadka 2014.

                                                            Barnaamijkayga Siyaasadeed.

Haddii la ii doorto xilka madaxtinimo ee dawladda Puntlnad waxaan xoogga saari-doona arrimaha soo socda.

1 – Sugida iyo hormarinta nabadgalyada Puntland, si qof kasta oo Puntland ku nool ugu noolaado cabsi la’aan iyo xorriyad, isaga iyo hantidiisuna u nabad-galaan. (taas waxaan ka bilaabayaa xoojinta iyo horumarinta ciidan nidaamsan oo karti iyo awood u leh hanashada ammaanka Puntland, kaas oo heli-kara xaquuqdooda, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran. Ciidan leh hannaan dawladeed oo aan shaqsi iyo beel toona ku tiirsanayn, isla markaana aan la abuurmin, ama la dhiman hadba shaqsiga iyo xukuumadda markaas jirta)

2 – Soocelinta iyo dhisidda midnimada dadeed iyo dhuleed ee reer Puntland. Puntland waxaa wada dhistay ummadda Puntland oo dhan, waxayna  u dhisteen himilo iyo ujeeddo cad, si ay  u gaaraan horumar nabadgelyo, mid siyaasadeed, mid dhaqan dhaqaale iyo caddaalad bulsho.

Haddii aan guulaysto waxaan dadka Puntland u ballan qaadayaa in aan soo celiyo himiladaas dhimatay iyo midnimada dadka iyo dhulka Puntland.

3 – Saraynta sharciga iyo hormarinta garsoorka. Burburka Soomaaliya waxyaabaha horseeday waxaa ka mid ah dhaqanka cadaaladdarrada iyo kutumashada sharciga. Haddaba waxaan ballanqaadyaa garsoor madax-banaan, oo hirgeliya dhaqan-dawladnimo oo sharcigu sareeyo, oo ay u siman yihiin Aniga oo madaxwayne ah iyo muwaadinka caadiga ah ee bulshada ugu taagta daran. (Tusaale: xariga wariyaha iyo mas’uul wasiir ah)

4 – Fidinta iyo hormarinta adeegyada aasaasiga u ah shacabka Puntland, sida caafimaadka, waxbrashada, biyaha, jidadka, isgaarsiinta, IWM. Iyo abuurida fursado shaqo oo dhallinyaradu ka faa’iideystaan taas oo loo dejiyo barnaamij iyo siyaasad cad oo wax ku ool ah.

5 – BAAHINTA XUKUNKA – xukun ka gudba laamiga iyo magaalooyinka waawayn, gaara degmo illaa heer Tuulo, dadkuna ismaamulaan. (tusaale: Gaalkacyo oo ah magaalo weyn oo muhiim ah maanta ma laha gole deggaan.)

6 – Hirgalinta siyaasadda asxaabta badan. 1998dii Puntland waxay axdi ku gashay 3-sano kaddib in la hirgaliyo nidaamka Asxaabta badan oo shacabku si xor ah oo hal qof iyo hal cod ah ku doortaan madaxdooda. 15-sano kaddib wali nidaamkaasi laguma guulaysan. Haddaba waxaan ballan-qaadayaa in aan sanadka ugu horeeya madaxtinimadayda (haddii Alle idmo) aan billaabi doono hirgalinta nidaamkaas, si dadka oo dhan ugu sinnaadaan ka qaybgalka siyaasadda sida. (tusaale; eega haweenka iyo baarlamaankeenna).

Haddaba si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah waxaa lagama maarmaan ah:

1 – in habka doorashada si caddaalad ah oo muuqata loo maamulo, oo aanay cidna si sharci daro ah u maquunsan uguna tagri falin.

2 – Guddiga maamulaya doorashada Puntland waa in ay noqdaan guddi madax-bannaan laguna kalsoonyahay, karti, sharaf iyo karaamana ku leh bulshada dhexdeeda.

3 – in guddiga xallinta khilaafaadka ee xubnaha baarlamaanka loo dhiso si cadaalad ah oo la’isla ogolyahay, oo aan musharax gaar ahi danihiisa u adeegsan.

4 – Saxaafaddu waa in ay si dhexdhexaadnimo ah uga warantaa arrimaha doorashooyinka iyo ololaha musharraxiinta, una garsooraan tartamayaasha. Dawladuna waa in aanay cabburin oo ayan fargalin warbaahinta sida uu dhigayo Dastuurka Puntland iyo xeerarka ee caalamiga ah.

5 – Isimada Puntland waxaan usoo jeedinayaa in ayan dayicin lumin doorkoodii shariifka ahaa ee hoggaaminta dadka Puntland, indho dheerna u yeeshaan xilligaan kala-guurka siyaasadda.

 

                                                                                          Gebagabadii:

Waxaan ka codsanayaa dhammaan ummada reer Puntland inay illaaliyaan oo ay ku fara adaygaan nabadgalyadooda iyo midnimadooda, si arrimaha doorashadu ay guul noogu dhammaadaan. Waa in aan la shaqaynnaa hay’adaha iyo ciidamadeenna ammaanka.

Waxaan sidaa oo kale ciidanka nabadgalyada ku boorrinayaa in ay ka madax-banaanaadaan arrimaha siyaasadda, waajibaadkoodana si daacadnimo ah u gutaan. Dadka reer Puntland waxaan u rajaynayaa nabad, horumar iyo barwaaqo.

Wixii su’aalo iyo faahfaahin ah ee laxiriira musharraxnimadayda waxaan u dhiganayaa kulamadayda dambe ee aan la qaadan-doono qaybaha bulshada iyo warbaahinta.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles