New York(RBC Radio) Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Saldhigga booliska degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhaliyey dhimashada dad fara badan oo rayid ah.
War saxaafadeed kasoo baxay xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr.Ban-ki Moon ayaa waxaa lagu sheegay”xog-hayuhu wuxuu si kulul u dhaleecaynayaan weerarka ka dhacay Beledweyne ee lagu gumaaday dadka shacabka ah”.
Ban-ki Moon ayaa tacsi u diray ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkii qorsheysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne kaasoo ay masuuliyadiisa sheegteen Al-shabaabka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday iney ka taageerayaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii looga hortagi lahaa weerarada khasaaraha badan geystay ee ay Al-shabaab fuliyaan.
Shalay ayey ahayd markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu xoog ku galay gudaha Saldhigga booliska Beledweyne oo uu ku qarxay,waxaana xigay rag hubaysan oo rasaas la dhacay dadkii ku sugnaa saldhiga oo ay ka mid ahaayeen dadweyne dacwado u tagay Saldhigga oo goobta ku geeriyooday.
RBC Radio