Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gud wasiiro ah u xilsaartay dagaalada kasoo cusboonaaday gobolada Shabeelaha hoose iyo Sh/dhexe,shir aan caadi ahayn oo ay xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxa ay kaga arinsadeen dagaalada kasoo cusboonaaday gobolada Shabeelooyinka iyo weerarkii lagu qaaday Saldhigga booliska degmada Beledweyne.
Kulanka oo uu shir gudoominayey R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay waxa keenay dagaalada ka socda deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay ku dagaalameen ciidamada Milateriga dowladda iyo Maleyshiyo deegaanka ah oo taabacsan maamulka deegaanka.
Markii uu soo dhammaaday kulanka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa warbaahinta tafaasiil ka siiyey waxyaabaha looga hadlay shirka golaha wasiirada afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
Afhayeenka xukuumadda ayaa ugu horeyntii sheegay in golaha wasiiradu ay si qota dheer uga hadleen weerarka dadka badani ku geeriyoodeen ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,wuxuuna sheegay in golaha wasiiradu ay cambaareeyeen weerarkaas,isla markaabe loo magacaabay gudi wasiiro ah oo maanta u ambabixi doono Beledweyne,wuxuuna intaa raaciyey in dowladu ay u gurman doonto dadka ku waxyeeloobay weerarka Beledweyne.
Dhanka kale golaha wasiirada ayaa ka arinsaday dagaalada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeelaha hoose,golaha ayaa u xilsaaray xalinta dagaaladaas gudi ay hogaaminayaan wasiirada arimaha diinta C/laahi Abyan Nuur iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariin Xuseen Guuleed kuwaas oo u ambabix doona deegaanka Lambar Kontan si ay ugu kuurgalaan waxa dhaliyey dagaalka isla markaane ay usoo afmeeri lahaayeen xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaanka.
RBC Radio
Muqdisho