Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20264

Hay’adda Maxamed Bin Raashid oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay Dad ay Waxyeelo u Geysatay Duufaantu(Sawirro)

$
0
0

8Boosaaso(RBC Radio) Hay’adda Maxamed Bin Raashid All-Maktuum oo fadhigeedu yahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa deeq gaarsiisay dadka ku dhaqan deegaanada Baarweyn iyo Budunbuto oo hoos yimaada degmada Dangoranyo.

Dadka deeqda la gaarsiiyey ayey waxyeelo xoog leh  kasoo gaartay duufaanta CYCLONE 03A ,islamarkaana qaarkood oo lahaa xoolo oo ay intifaacsanjireen maanta aan guryohooda xiliyada qaar dab laga shidin.

Hay’adda ayaa deeqda usoo marsiisay Tamkiin Foundation,waxayna qeyb ka tahay deeqdan taageerda loogu gurmanayo dadka uu dhbku kasoo gaaray duufaanta CYCLONE 03A.

2Duufaanta oo ku dhufatay deegaanada qaar ee Puntland  ayaa sababatay khasaare xoog leh oo dad badan ay u geeriyoodeen kuwo badana xoolihii ay dhaqanjireen uga le’deen.

Sidoo kale qaar kalena ay ku gurya beeleen ayaa arintaasi,waxaa ka damqaday  dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan Caalamka taasoo keentay in deeqo la gaarsiiyo meelaha qaar ee duufaantu waxyeelada xoogan u geysatay.

Wasiirka Deegaanka Iyo Duurjoogta dowladda Puntland Cabdiqani Yuusuf Cadde ayaa u mahadceliyey cid kasta oo gacan u fidisay dadka reer Puntland ee ay waxyeeladu kasoo gaartay duufaanta CYCLONE 03A.

Qaar kamid ah dadkii loo qybiay deeqdan rashinka ah ayaa iyaguna soo dhaweeyay deeqda loo keenay,waxayna sheegeen iney u baahanyihiin in gargaar kale lala soo gaaro.

Inkastoo ay muuqato gurmad la fidinayo oo gudaha iyo dibadaba ka imanaya islamrkaana lagu sabirsiinayo dadka duufaantu waxyeeladu u geysatay hadana waxaa muuqata wali baahi xoog leh oo haysata dadka qaar in ay jirto iyadoo wali ay socdaan talaabooyin wanaagsan.

1 3 4 5 6 7 9 10

__________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30(at)gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20264

Trending Articles