Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliya oo tacsi u diray dadkii ku geeryooday weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Beledweyne

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Beledweyne ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatada soo gaartay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inaysan niyad jab ka muujin weerarka ay Alshabaab maanta ka gaysteen magaalada Beledweyne wuxuuna weerarkaas ku tilmaamay mid argagixisonimo oo lagu baqdin gelinayo shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay inay dalka ka cirib tirto Alshabaab iyo kooxaha kale ee Alqaacidda wuxuuna ka dalbaday shacabka inay taageeraan dowladda Soomaaliya si looga adkaado Alshabaab iyo Alqaacidda.

Weerarkii maanta lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa sheegay ururka Alshabaab, waxayna weerarkaas ku tilmaameen inay ka guul gaareen ujeedkii ay ka lahaayeen sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles