Jowhar(RBC Radio) Dadkii uu saamaynta xooggan ku yeeshay fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka gaystan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha caalamka ee deeqaha bixiya inay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan shacabka ku waxyeeloobay fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Ciise Cali oo ka mid ah dadka kasoo barakacay fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka gaysta deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii kasoo barakacay fatahaadaha wabiga Shabeelle iyo dagaalada ka socda gobolkaas ay xaalad bini’aadanimo oo aad u daga ku haysato deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciise Cali ayaa tilmaamay in dadka soo barakacay oo uu isagu ka mid yahay ay ku hanti beeleed fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka gaystay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna xusay in shacabka sidaas u dhibaataysn aysan wali wax gurmad ah ka helin dowladooda iyo Hay’adaha caalamka.
Ciise Cali ayaa ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud inuu u soo gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay ee maalin kasta baahida iyo caafimaad darada ugu geeryoonaya deegaanada gobolka SHabeelaha Hoose.
Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay fatahaad saamayn badan ku yeelatay shacaka ku nool deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho