Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Baay oo dagaalka ka socda Numbar-50 ku tilmaamay in lagu carqaladaynayo shirka ka socda magaalada Baydhabo

$
0
0

raxBaydhabo(RBC Radio) Waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda gobolka Baay oo ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dagaalkaas lagu carqaladaynayo shirka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee la doonayo in maamulka goboleed loogu sameeyo 6 gobol oo ka tirsan gobolada koonfureen ee dalka.

Malaaq Cali oo ka tirsan odayaasha gobolka Baay ayaa tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose ay ujeedadiisu tahay in lagu kala dhantaalo shirka ka socda magaalada Baydhabo ee maamul goboleedka loogu samaynayo gobolada Baay, Bakool, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

“Waxaana ognahay in dagaalkaas ay ka dambeeyaan dad doonaya inay carqaladeeyaan shirka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,  laakiin way ku hungoobi doonaan shirqoolka ay u maleegayaan shirka ka socda magaalada Baydhabo”ayuu yiri malaaq Cali

Malaaq Cali ayaa sheegay in gobolka Shabeelaha hoose uu ma mid yahay gobolada la doonayo in maamul goboleed loo dhiso wuxuuna ugu baaqay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxaha la dagaalamaya inay gobolkaas dhibta ka daayaan maadaama uu ka mid yahay gobolka Shabeelaha hoose deegaanada maamul goboleedka loo samaynayo.

Dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa labadii maalmod ee lasoo dhaafay ka socda deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha hoose, Kaasi oo u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka Numbar-konton oo ka amar qaata gudoomiyaha deegaaanka Numbar-konton.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles