Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaaliland oo ay ka da’ayaan roobab duufaanno iyo baraf watta oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed u gaystay shacabka Soomaaliland

$
0
0

duufaanAwdal(RBC Radio) Deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa waxaa maalmahan ka da’aya roobab xooggan oo dabaylo iyo barab watta oo saamayn ku yeeshay dadka reer miyiga ah ee ku noolaa baadiyaha deegaanno daban oo ka tirsan maamulka Soolaaliland.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Awdal Axmed Awday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in roobabka duufaanada watta ee ka da,aya deegaanada gobolkaas ay gaysteen khasaare maaliyadeed iyo mid nafeed wuxuuna xusay in dhibaatto aan wali la arag ay ka dhacday gobolka Awdal ee maamulka Soomaaliland.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Axmed Awday ayaa tilmaamay in khasaaraha soo gaaray shacabka ku nool gobolkaas uu ka badan yahay intii hore loo filayay wuxuuna sheegay in ay ku guryo iyo hanti beeleen qooysas kor u dhaafaya boqolaal wuxuuna xusay in xoolo gaaraya 11960 neef ay duufaantu qaaday kuwaas oo isugu jiray Geell iyo Ari.

Axmed Awday gudoomiyahaa gobolka Awdal oo hadalkiisa sii watto ayaa sheegay in roobabka dabaylaha watta ee ka da’aya tuulooyinka gobolka Awdal ay gaysteen khasaare nafeed wuxuuna xusay in dadka ku geeryooday roobabka duufaanada watta aysan tiro koobneen wuxuuna taas u sababeeyey roobabka uu wali kasii da’aya gobolkaas.

Godoomiyaha gobolka Awdal ayaa dowladaha iyo Hay’adaha deeqaha bixiya ugu baaqay inay gargaar deg deg ah lasooo gaaraan dadka ku waxyeeloobay roobabka duufaanada watta ee wali ka da’aya deegaanada maamulka Soomaaliland.

 

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles