Gaalkacyo[RBC Radio]R/wasaarihii dawladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya,xiligaana ka mid ah musharixinta u taagan xilka madaxweynanimo ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaatay qeybaha bulshada ee ku nool magaaladda Gaalkacyo,waxana kulanku uu ahaa mid uu ku soo bandhigayey qorshihiisa siyaasaded ee xilligaan uu doonayo inuu ku hoggaamiyo shacabka Puntland haddii u ku guulesto xilka.
Kulankan ayuu Prof. Gaas waxaa uu khudbad uu ka jeediyey ku soo qaaday arrimo dhor ah oo u badna waxqbadkii,sidoo kale waxaa uu si kulul uga hadlay Gaas hadallo uu sheegay inay buun buuniyeen dad uu ku tilmaamay inay lahaayeen dano siyaasadeed, kaasoo ahaa inuu aflagaadeeyay madaxdii soo martay Puntland.
Musharaxu waxaa uu fariin u diray saxaafadda,waxana uu sheegay in lama huran ay tahay inay xiliyada doorashooyinka taxadar u yeeshaan arimaha siyaasadda maadaamaa la is khaldi karo amase gafaf la isku gaysan karo.
….”"”"Madaxdii soo martay hoggaanka Puntland,kuligood waxay iga mudan yihiin qadarin,dhamantoodna wan ixtiraama oo wax xuman ah uma quuro,laakin khudbadu an jeediyey ayaa dad dano siyaasaded leh waxay u turjumeen si kale,mana i qabato inaan sharaftooda wax ka sheego…”"”” ayuu yiri Gaas, waxana uu hadalkiisa kusoo qaaday isagoo mid u sharaxay qiimaha agtiisa ay ka leeyihiin madaxdii soo martay hoggaanka.
Sidoo kale Dr C/wali waxaa uu khudbaadisa uu ku faah faahiyey,waxay yaallaha xiligan u muqda ee uu isleeyahay waa ay ka dhiman tahay Puntland,waxana uu tusaale usoo qaaday qoddobo dhor ah oo uu sheegay inuu tigsan doono haddii uu xilka ku guulesto,waxana ka mid ahaa qoddobadi uu soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo raadinta midnimada shacabka Puntland.
…”"”Qorshayaasha iidagsan ee an ku duunayo inan ku hoggaamiyo shacabka Puntland waxaa koow ii ah inan ku dadaalo midnimada shacabka Puntland,waana raadin doona sidii ay ku iman lahaayd mid nimada shacabka Puntland…”"”ayuu yii Gaas.
Sidoo kale musharaxa waxaa khudbadiisa ku soo qaaday inuu leyahay saaxibo badan oo caalamka ah xiligaana uu donayo inuu uga faa’ideyo Puntland si looga hirgaliyo deegaannada Puntland mashaaric horumarined oo lugu horumarinayo dalka,isagoona garab ka helaya sida uu sheegay saaxibadiisa caalamka.
Sidoo kale waxaa iyaguna madasha hallo ka jeediyey qeybihii ka soo qeyb galay oo u badna nabadoono,siyaasiyin,haween,dhainyaro iyoq eybaha bulshada Gaalkacyo,waxana dhamantood ay sheegen inay soo dhaweenayan musharax Gaas,ayna ku agaran siinayaan hankiisa uu ku doonayo inuu ku qabto hoggaanka Puntland.
Isku soo wadda dubo Gaas ayaa xiligana ka qeyb galaya doorasho ay ku tar tamaan musharaxiinti abad ugu badna ee isku soo taaga hoggaanka Puntland.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio