Qardho(RBC Radio) Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ku baaqay in dadka ay ka qeybqaataan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii kasoo gaartay duufaanta.
Boqorka Burhaan Boqor Muuse ayaa ka hadlay sidoo kale ka hadalay dadka ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaada webiga Shabeelle oo ka geystay Gobolka Shabeeladda Dhexe,wuxuuna EEBE ugu baryay in uu badal kheyr qaba ka siiyo dadkii ku hanti beelay fataahada webiga ..
Sidoo kale u mahadceliyey cid kasta oo ka qeybqaadatay Kaalmada ay ugu Yabooheen dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Musiibadii ka dhacday gobolada Bari,Karkaar iyo Nugaal.
Magaaladda Qardho ayaa,waxaa ka soconaya gurmad ballaaran oo loogu fidinayaao dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay Roobabkii watey duufaanada,waxaana xusid mudan in qabanqaabada Tabarucaadka ay socoto.