Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Soomaaliya oo dalka Kuwait uga gaybgalaysa shir looga hadlayo maalgelinta iyo Iskaashiga dalalka Afrika iyo Carabta

$
0
0

fowsiyaoooooMuqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa saakay gaartay magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait,waxayna halkaas uga qaybgalaysaa shir looga hadlayo maalgashiga iyo ISkaashiga dalalka Afrika iyo Carabta.

Shirka ay ka qaybgalayso R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dowladda Kuwait oo marti gelinayso shirkaas, waxaana shirka kasoo qaybgalay dowladdo kor u dhaafaya 64 dowladdood oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Carabta.

Wasiirka arimaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa si wanaagsan looogu soo dhoweeyey Garoonka diyaarahada caalamiga ah ee magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait iyo wafdi la socday ayaa wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya si diiran ugu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kuwait, waxayn wafdiga Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan u galbiyeen Hotel-ka Shilintoon oo ay degenyihiin wasiirro arima dibadeedyada dowladaha ka qaybgalaya shirkaas.

Shirka looga hadlayo maalgashiga iyo iskaashiga dalalka Afrika iyo Carabta oo ay marti gelinayso dowladda Kuwait ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay halkaas ka hesho taageerro ku saabsan maalgelinta dalka iyo caawinta Ha’adaha dowliga ah ee dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles