Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dagaalka Westgate oo socda Maalintii Afaraad iyo Rasaas Culus oo xiligan ka dhacaysa gudaha xaruntaas

$
0
0

anigaNairobi(RBC Radio) Dagaalka ka socda Suuqa Westage ee magaalada Nairobi oo ay ku hardamayaan ciidamada dalka Kenya oo taageero ciidan ka helaya dalal dibadda ah iyo kooxda Al-shabaab ee dhismaha Suuqa Sabtigii qabsatay  ayaa maanta galay maalintii Afaraad.

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa xiligan laga maqlayo gudaha xarunta Westgate,masuuliyiinta dowladda kenya ayaa warar is burinaya kasoo saaraya hawlgalka ay ciidankoodu ka wadaan Westgate.

Willium Ruto madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya oo shalay dalkaa gaaray ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan la haystayaashii ay gacanta ku hayeen kooxda meesha qabsatay laga sii daayey guud ahaan dhismuhune uu gacantooda ku jiro ,wuxuuna intaa ku daray iney baacsanayaan kooxda dableyda ah ee xarunta qabsatay.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya ayaa hadal ay iyane siisay telefishinka Al-jasiira waxa ay sheegtay in wali ay jiraan dad u qafaalan kooxda hubaysan,isla markaane ay wali gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah dhismaha Westgate.

Xiligan ayaa waxaa socota rasaas culus oo ka dhacaysa gudaha xarunta Westgate,kooxda dableyda ah ayaa la sheegayaa iney ka dagaalamayaan Dabaqa Afaraad ee dhismaha oo la sheegay inuu ahaa Bangi,Saxaafadda ayaa loo diidayaa iney u dhawaadaan goobta uu dagaalku ka socdo.

Dowladda Kenya ayaa xalay ku dhawaaqday iney weerarkii ugu danbeeyey ku qaadayso Suuqa Westgate si ay meesha uga saaraan kooxda Afarta maalmood xoogga ku haysta,xaaladda goobta ayaa wali cakiran mana muuqato horumar la taaban karo oo ciidanka Kenya ay ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaabka hubaysan ee gacanta ku haya dhismaha Westgate.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles