Boosaaso[RBC Radio] Markabka lagu magacaabo Alpha-Livestock 19 ayaa ka qaaday Dekada weyn ee magaaladda Boosaaso Xoolo nool oo gaaraya25,605neef oo Ari ah,kuwaas oo loo wado magaaladda Jidda ee wadanka Sucuudiga…
Markabka intii uusan ka xariga ka furan Dekada,waxaa gudihiisa ku kulmay Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Wasiir Dowlaha Dekadaha,Ganacsade Embeeye,Kabtanka Markabka iyo xubno kale,waxaana si qoto dheer looga wadahadlay arrimaha dhoofka Xoolaha.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire oo Saxaafadaha hadal kooban ku siiyey gudaha Markabka ayaa sheegay in Sanadkaan oo la galay xiligii xajka Xoolihii ugu badnaa ka dhoofi doonaan Puntland,
…””Waxaan rajeynayaa in sanadka ee wakhtiga xiliga Xajka Xoolihii ugu tirade badnaa ka dhoofi doonaan Puntland Insha allaah…””ayuu yiri Mudane Siciid Xassan Shire
Mudane Siciid Xassan Shire,wuxuu sheegay oo kale in dadaal badan ka sameyn doonaan sidii Xoolaha Caafimaadkooda looga shaqeyn lahaa isla markaana wuxuu ammaan usoo Jeediyey Shaqaalaha Wasaaradaha Xannaanada iyo tan Dekadaha.
…”” Anaguna dadaal badan baan ka sameyneynaa sidii Xoolaha Caafimaadkooda looga shaqeyn lahaa,waana Joogi doonaan hadii alle idmo….””ayuu yiri Wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland in uu ku faraxsanyahay in caqabad kasta oo jirta ay Ganacasaradu ku hawlantahay in qiima kasta Xooluhu ha gaareene ay dhoofinayaan.
Wasiir Dowlaha Dekadaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeed Cabdishakuur Mire Aadan ayaa ka dhawaajiyey in Dekada magaalada Boosaaso ay tahay mida kaliya ee halbowlaha u ah Ummada Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay Mudane Cabdishakuur in Dekada Boosaaso ay kaga duwantahay kuwa kale sida dhakhsida leh ee looga raro iyo sida dhakhsida leh ee looga dejiyo alaabta tallaabdaasna ay ku mahadsantahay.
…”” Dekada Boosaaso waa dekad halbowle u ah Soomaaliya,waa dekad kutaala Badda Cas,waxay Boosaaso kaga duwantahay Dekadaha kale waxa weeye sida dhakhsaha leh ee looga dejiyo alaabta iyo sida dhakhsaha leh ee wax loo raro wey ku amaanantahay…””ayuu yiri.
Mudane Cabdishakuur ayaa sheegay in uu Kabtan Markab qudhiisu ahaan jiray isla markaana uu Xoolo qaadayey muddo badan.
Sidoo kale Ganacsade Axmed Xirsi Embeeye iyo ganacsatada kale ayuu ku tilmaamay iney yihiin kuwa dalkooda hawlo badan geliya,arrintaas ay ku mahadsanyihiin.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland ayuu ugu hambalyeeyey doorkooda sixida Iyo Maxjarada Puntland,wuxuuna intaas ku daray in shaqaalaha labada Wasaaradood kaalintooda ay u baahanyihiin ganacsatadu.
…””Wasaaradda Xannaanada Xoolaha waan u hambalyeynayaa doorkooda sixada ay iyo Maxjarada Puntland,hawlaha hawlwadeenada intuba kaalintoodu waa kaalin dadkaan ay u baahanyihiin,waayo dadkani waa kuwa isku xiran….”” Ayuu yiri.
Ganacsade Axmed Xirsi Embeeye oo kamid ah ganacsatada ugu waa weyn Puntland ayaa sheegay in Markabka Alpha-Livestock 19 uu yahay mid aad u dheereeya isla markaana halkii saac uu jarayo 14-mayl.
Wuxuu sheegay in Xawaaraha Markabka uu ku soconayo uu magaaladda Jidda ku tagayo Saddex maalmood halka markii hore ay Maraakiibta kale ku qaadan jirtay Shan maalmood .
Ganacsade Embeeye ayaa tilmaamay in Xooaha laga qaaday Dekada Boosaaso ay noqnayaa kuwii ugu wanaagsanaa ee taga isla markaana ay kula tartamaan Berbera.wuxuu xusay oo kale in Markabku ka shaqeyn doono oo kaliya gudaha Puntland.
…”” Markabkaan Xoolaha aan saarnay,waxaan rajeyneynaa iney noqdaan Xoolihii ugu wanaagsanaa ee taga isla markaana aan kula tartarno Berbera halkaanu ka shaqeynayaa,waana ku heshiinay ineysan ka shaqeyn meel aan Boosaaso ahayn…””ayuu yiri.
Kaptanka Markabka Qudbaan Xasan oo af Carabi ku hadlaayey ayaa sheegay in Markabku ku wajahan yahay magaaladda Jidda,wuxuuna si weyn u amaanay nabadgelyada Boosaaso
…””Bismilaahi raxmani raxiim magacaygu waa Qudbaan Xasan Cabdoo,waxaan ahay kabtanka Markabka Alpha-Livestock 19,waa Ilaahay mahadiis iney Xaaladuhu yihiin kuwa wanaagsan,magaaladda Boosaaso Xaaladeedana ay tahay mid wanaagsan, Insha allaah waxaam ku soconaa magaaladda Jidda….””ayuu yiri Kabtanku.
Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Shirkadaha qaada Xoolaha ayaa ka sheekeeyey Shirkadoodu waxa ay ka qabato Puntland iyo dalka ay ka diiwaangashantahay.
…”” Shirkadeenu waxay raacsantahay Midowga Shirkadaha Ganacsiga ee dalka Suuriya,waxaana halkaan ka shaqeyneynaa ilaa 2007,waana Shirkadii ugu horreysay oo soo gasha Dekada Boosaaso oo qaada Xoolaha waan Shirkadeena..””ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Shirkadooda ay si joogto ah uga shaqeyso Puntland ay balse ay horey uga soo shaqeeyeen magaalooyinka Berbera,Boosaaso iyo Jabuuti.
…””Waxaan ka shaqeynaa magaalooyinka Berbera,Boosaaso,Jabuuti laakiin meesha ugu badan ee aan ka shaqeyno waa magaaladda Boosaaso,Ilaahay ayaa mahadleh,deegaanada oo dhan waa nabad,nabadgelyadeeduna waa mid la isku halayn karo Dekadu wax kasta wey udhameystiranyihiin dadkuna waa kuwa na caawiya…””ayuu yiri.
Si kastaba dhaqdhaqaaha dhanka Xooaha ayaa maalmihii ugu danbeeyey laga dareemayey Dekeda Boosaaso,waxaana Majarka Boosaaso soo buux dhaafinayey Xoolo isugu jira ari iyo lo’ kuwaas oo laga kala keenayo deegaanada Soomaalida.
_____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com