Bakool(RBC Radio) Ninka labaad ee ugu sareeya hogaamiyaasha Al-shabaab SH Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka ka dhextaagan hogaanka Al-shabaab iyo dilka saraakiil sare oo ka tirsanaa ururkaa kuwaas oo ku baxay gacanta hogaamiyahooda Axmed Cabdi Godane.
SH Mukhtaar Roobow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ugaarsiga uu Axmed Cabdi Godane ku hayo ragga kale ee kasoo horjeeda sida uu wax u maamulayo,wuxuuna tilmaamay inuu muddo dheer maleegayey Axmed Godane dilka Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqiin Ibraahim Afqaan iyo C/xamiid Xaashi Col-haye oo ku magac dheeraa Macalin Burhaan.
Abuu Mansuur Roobow ayaa tibaaxay iney danbi weyn tahay dilka saraakiishaasi isagane ay la gudboon tahay inuu xaqa caddeeyo oo uusan ka aamusin dulmiga raggaa lagu dilay sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna hoosta ka xariiqay in lagula xisaabtami doono ciddii ka danbeysay dilkooda.
SH Mukhtaar Roobow Cali ayaa meesha ka saaray been abuurne ku tilmaamay eedeynta loo jeediyey ragga la dilay oo dilkooda loo aaneeyey iney ku hawlanaayeen kala qaybinta Al-shabaab iyo dhisidda urur ka madax bannaan Al-shabaab arinkaas oo u cuntami waayey Axmed Cabdi Godane oo bilaabay khaarajinta ragga kale ee uu u arkayo iney khatar ku yihiin kursigiisa.
Wuxuuna sheegay in ragga la dilay ay ku hawlanaayeen sidii ay u sixi lahaayeen qaladaad uu sheegay inuu ku kacay hogaanka Al-shabaab,wuxuuna isagoona is weydiiyey su’aalo dhowr ah.
“hadii ay dheheen shareecada halagu dhaqmo ma danbibaa,hadii ay dheheen wado qaldan ayaa lagu socda ma danbibaa,hadii ay xaqqa sheegeen ma danbibaa,hadii ay culimada islaamka u qaylo dirsadeen si loo qabto ciddii gardaran ma danbibaa,Mujrim shartu khayr u tahay khayrkune shar u yahay ayaa ka danbeeyey dilkooda”sidaasi waxaa yiri Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
SH Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hogaamiyaha kooxda Al-shabaab ku tilmaamay inuu yahay Mujrim ka leexda ku dhaqanka Shareecada Islaamka,wuxuuna tibaaxay inuu Diinta ka doortay Kursiga iyo adduunyo Jacayl sida uu hadalka u dhigay,khilaafka Al-shabaab oo mudooyinkii u danbeeyayba soo ifbaxayey ayaa xiligan maraya meeshii ugu xumayd.
RBC Radio