Port Elesivet [RBC Radio]Waxaa maalmihii ugu danbeeyey soo badanayey boobka iyo dhaca loogaysanayo Soomaalida ku ganacsatada tuulooyinka hoos yimaada magaalada Port Elesivet ee dalka K/afrika kadib markii dhawaan in ka badan 500 oo dukaan oo Soomaalidu ku lahaayeen tuulooyinkaasi boob xooggan loo gaystay.
Arrintaan ayaa waxay ka danbaysey kadib markii rabshada dhibaato ay ka soo gartay dadka Soomaalida ah ee ganacsiga ku leh dalkaasi K/afrika ay ka dhaceen,waxana la tilmaamay in arrinta ay sababtay in dhamanba ganacsigii u yaala Soomaalida tuulooyinka hoos yimaada magaalada Port Elesivet inay kala soo cararaan iyagoona la soo aadaya magaaloyinka waa weyn ee dalkaasi oo ay ka howlgallan adegmayada ammaanka sida Booliska.
Dhibaatoyinka ugu badan ayaa waxaa la xaqiijiyey Soomaalida dalkaa ku dhaqan inay ka soo gartoo tuulooyinka halkaas oo ay san jirin wax adeg ah oo khuseeya dhanka ammaanka,taas ayana la sheega inay fududeyso dhaca iyo dilalka loo geesto Soomaalida ku nool dalkaasi K/afrika oo ka mid ah dalka ugu badan ee lugu laayo Soomaalida baadi gobka ugu jira nolal dhanta mida ay ku haystaan dalkooda.
Waxaa hadda ay bilaaben ganacsatadda K/afrika ku ganacsata iney dib ugu soo laabtaan magaaladda Port Elisevet kadib markii ay u adkeysan waayeen dilalka iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.
Ganacsatadaan inay dib ugu soo labtaan magaaladda Port Elisevet waxaa uu fududeeyey sida la sheegay ciidamada Booliisku K/afrika ay ku gacansiiyeen iyagoo sugaya ammaan kooda iney hantidooda la baxaan intii uu socday ololaha lagu boobayo Soomaalida, halka ganacsato badana aysan waxba u badbaadin oo la boobay hantidoodii islamarkaana ay naftooda kala soo carareen.
Si kasta oo ay ahaataba waxaa wali jira inay wadadaan koox burcadd Koonfur Afrikaan ah kuwaaso dhac iyo dilalba u geesta Soomaalida ku ganacsata dalkaasi.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio