Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jaamacadda Bariga Afrika oo Xaflad soo Dhaweyn ah u Qabatay Ardey Cusub oo kamid noqoneysa Jaamacadda[Sawirro+VIDEO]

$
0
0

Bariga Afrika (1)Boosaaso[RBC Radio] Jaamacadda Bariga Afrika ee magaaladda Boosaaso ayaa maanta Xaflad soo dhaweyn ah u qabatay boqolaal ardey ah oo isugu jiray Wiilal iyo gabdho kuwaas oo kusoo biiray Kulliyadaha Jaamacadda.

Xafladda maanta ayaa,waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Cabdirisaaq Hiirad Maxamed,Jaamacadda,Guddoonka Jaamacada iyo Gollaha Board-ka,Macalimiinta,ardeyda hore ee Jaamacada dhiganeysay,Cuqaal iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo hadal ka jeediyey Xafladda ayaa ardeyda cusub kusoo dhaweeyey Jaamacadda,wuxuuna kula dardaarmay iney ku dadaalaan Waxbarashada.

….””  Waxaan idin leenahay soo dhawaada Jaamacada waa Jaamacadiinii weeye dee kolay Macluumaad farabdan iyo fikir farabdan waad ka haysataan oo runtii Jaamacadu mudada ay jirtay iyo ardeydii ay soo saartay oo maantana Suuqa shaqada ku jirta.…””ayuu yiri

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Cabdirisaaq Hiirad Maxamed

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Cabdirisaaq Hiirad Maxamed

Cabdirisaaq Hiirad Maxamed ayaa u sheegay ardeyda cusub in uu u bilowday waa cusub isla markaana looga baahanyahay iney dadaal sameeyaan.

…”” Waxaan idin leenahay waa cusub baa idin baryey qolyihiina cusub,waxaad kasoo baxdeen marxalad hore oo 12-sanood aad wax baranayseen,waxaad soo marteen lama marxaladood …””ayuu yiri.

Guddoomiye Kuxigeenka Akadeemiga Jaamacada Bariga Afrika Shiikh Maxamed Macalin

Guddoomiye Kuxigeenka Akadeemiga Jaamacada Bariga Afrika Shiikh Maxamed Macalin

Guddoomiye Kuxigeenka Akadeemiga Jaamacada Bariga Afrika Shiikh Maxamed Macalin ayaa ardeyda cusub ku booriyey iney wakhti dheeri ah geliyaan Waxbarashada isla markaana ay Jaamacadu diyaar la tahay iney garab Istaagto ardeyda cusub.

Guddoomiye Kuxigeenka Board-ka Jaamacadda Maxamed Qorane oo khudbad qiima leh kasoo Jeediyey Xafladda ayaa ardeyda cusub eek amid noqoneysa Sanad-Jaamacadeedka 2013-2014 u sheegay iney yihiin Madaxdii berito wadanka hoggaamin lahayd.

Guddoomiye Kuxigeenka Board-ka Jaamacadda Maxamed

Guddoomiye Kuxigeenka Board-ka Jaamacadda Maxamed

….”” Waxaad tihiin madaxdii berito, Illaahay subxaana watacalaa Ummadan sunada uu u yeelay waxa weeye jiilba jiil inuu badelo …””ayuu yiri.

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in ardeyda cusub ee Jaamacadda kamid noqonaya kala soo qeybgalaan Xaflad lagu soo dhaweynayo,wuxuuna EEBE uga baryey in aqoontooda u siyaadiyo.

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago

Qaar kamid ah Macalimiinta iyo ardeyda cusub iyo kuwa hadda wax ka barta oo Xafladda ka hadlay ayaa si isku mid ah u cabiray dareenkooda farxadeed,waxayna sheegen in Jaamacadda Bariga Afrika ay tahay hormuudka Jaamacadaha Soomaaliya.

Si kastaba Jaamacadda Bariga Afrika ayaa ah Jaamacadda ay kasoo baxeen ardey tayada aqoontoodu tahay mid sareysa,waxayna ardeydan cusub noqonayaan dufcadii 14-aad ee Jaamacadu qaadato,waxaana xusid mudan in Jaamacadda Bariga la aasaasay 1999.

 Bariga Afrika (13)

Daawo VIDEO”s 

_______________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles