Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaramada Midoobey oo sheegtay inay daba gali doonto dowladdihii Soomaaliya lacagta ugu yaboohay,waxna ka ogan doonto halka ay dowladda Soomaalida ku bixiso lacagtaas

$
0
0
Xog-hayaha-guud-ee-Qaramada-Midoobey-Ban-Ki-Moon

Xog-hayaha-guud-ee-Qaramada-Midoobey-Ban-Ki-Moon

New York[RBC Radio] Ban Ki Moon xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa si cadd u sheegay in xiligaan loo bahan yahay in lasoo gaba gabeeyo dhibaatadda daba dheeratay ee uu ku jiro dalka Soomaaliya,kadib markii shalay dowladda Soomaaliya loogu yaboohay 1.8 Bilyan.

Mr.Bank waxaa uu hadalkiisa ku faah-faahiyey aragtida Qaramada Midoobey ee ku aadan shirkii ku so dhamaaday magaalada Brussels ee higsiga cusub New Deal,waxana uu ku tilmaamay shirkaasi inuu ahaa mid wax ku ool ah islamarkana xiligan noqondoona mid wax kabada xaaladda soo jitamaysey mudda 22-sanno ah oo uu dalku ku jiray bur bur iyo dagaalo.

Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaday Ban Ki Moon dhaqaalaha la siiyey Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in arintaan ay tahay talaabo muhiim u ah dib-u-dhiska iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna guul aan la ilaawi doonin iyo shir taariikhi ah ku tilmaamay New Deal.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon waxaa sidoo kale uu si kulal uga hadlay oo uu sheegay in ay il-gaar ah ku hayn doonto la socodka iyo fulinta balan-qaadkii iyo hir-gelinta dhaqaalihii loogu yaboohay dalka Soomaaliya, lacagtaas ayuu xoghaye Bank Moon ku tilmaamay mid wax weyn ka bedelaysa dalka,waxaa uu dhinaca kale tilmaamay inay dabagali doonan halka ay lacagahaasi dowladda ku bixiso.

Ugu danbayntii Mr.Bank waxaa uu dowladda faderaalka ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan dhaqalaha mugta weyn ee xiligaan loogu deeqay maadada ay waxbadan ka tari karto xaaladda dalka oo is badasha.

Saddexda sanno ee soo socata ayaa luugu wadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh in lacagaha xiligaan loogu yabooyah inay u adagsato hurimarinta iyo dibu–dhiska adegayadda dowladda.

__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles