Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ururkii Xisbul Islaam oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay Mucaaradadii ku salaysneed dagaalka,kuna baaqay in la sii daayo SH Xasan Daahir Aweys

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Ururkii Xisbul Islaam oo maanta uu shir uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay marxaladda uu dalku marayo,fikirkii dagaalka ku salaysnaa oo ay sheegeen iney ka tanaasuleen iyo xarigga hogaamiyahooda SH Xasan Daahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ururk Xisbul Islaami Maxamed Macalin oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay uga hadlayaan shirka maanta uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wuxuuna sheegayin kulamo xiriir ah oo ay maalmahan danbe xubnaha ururku ku lahaayeen magaalada Muqdisho ay ku go’aansadeen iney bedelaan mabda’oodii mucaaradnimo ee ku salaysnaa dagaalka,isagoona carrabaabay in tallaabada ay qaateen ay tahay mid u adeegaysa horumarka iyo xasiloonida dalka.

Maxamed Macalin ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka ay u dagaalamayeen uu ahaa sidii ay u difaaci lahaayeen sharafta iyto karaamada ummadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay xaalad adag oo uu sheegay inuu ku sugan yahay SH Xasan Daahir Aweys.

Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam ayaa tibaaxay in SH Xasan uu u sheegay mar uu xabsiga ku booqday iney xaalad adag ku haysato goobta uu ku xiran yahay,wuxuuna intaa raaciyey in SHeekhu uu joojiyey maalmihii uu Soomi jiray sababo la xiriira duruufo adag oo xabsiga ku haysta.

Wuxuuna ka dalbaday beesha SH Xasan oo fududeysay in dowladda loo gacan galiyey iney ka qayb qaadato sidii loo sii dayn lahaa SH Xasan daahir Aweys,Maxamed Macalin ayaa dowladda ku booriyey iney nabadda taageerto SH Xasane ay xabsiga kasii deyso.

Maxamed Macalin afhayeenka ururka Xisbul Islaam ayaa ka dhawaajiyey in shirka maanta uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay ku qeexi doonaan qaabka ay ku doonayaan iney uga qayb qaataan Siyaasadda Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles