Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo warbixin ka dhagaystay Xildhibaano safar ku tegey gobolka Gedo

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho{RBC Radio} Kala fahdigii Saddexaad kulankii Saddexaad oo ay maanta mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxa ay warbixinno kaga dhegeysteen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee safarada ku tagay gobolada dalka intii lagu jiray Fasaxa baarlamaanka.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya mudane Jaylaani Nuur Iikar waxaana soo xaadiray 175 Xildhibaan,ajandaha kulanka ayaa ahaa si wadida warbixinnada laga dhegeysanayo mudanayaasha baarlamaanka ee safarada ku tagay deegaanadii ay kasoo jeedeen iyo dalalka caalamka qaarkood.

Mudanayaasha warbixinta ka hor akhriyey kulanka baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Muuse SH Cumar oo ka mid ahaa mudanayaal gaaray deegaanada gobolka Gedo,wuxuuna baarlamaanka ka hor akhriyey waxyaabihii ay kusoo arkeen gobolkaas iyo xaaladaha nololeed ee bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa sheegay in shacabka ku nool gobolka Gedo ay haysato nolol xumo adag iyo caafimaad la’aan wuxuuna tilmaamay iney waxbarasho la’aan ay soo wajahday dhalinyarada ku dhaqa gobolkaas, Xildhibaanka ayaa xusay iney kulamo lasoo qaateen qaybaha kala duwan ee Bulshada ayna kormeer ku tageen xarumaha dowlada Soomaaliya.

Xildhibaan Muuse Sh Cumar ayaa tlmaamay in Boqolkiiba Sideetan aysan haysan waxbarasho dhalinyarada ku nool gobolka Gedo, wuxuuna sheegay in uusan ka jirin gobolkaas hal Iskuul  ama hal Jaamacad oo ay wax ka bartaan dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan goblka Gedo.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles