Brussles(RBC) Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimada uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed Shirka New Deal ee loo madal sanyahay in uu maanta ka furmo magaalada Brussles ee xarunta dalka Bilguim.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka loogu magac daray heshiiska cusub ee Soomaaliya kaasoo maanta ka furmaya Magaalada Brussles ee xarunta Midowga Yurub.
Mudane Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in shirkani uu wax badan uga bedelan yahay shirarkii hore Soomaalida loogu qaban jiray,wuxuuna hoosta ka xariiqay in Shirkani uu yahay mid ay dadka Soomaaliyeed miiska soo saarayaan sida ay u kala horeeyaan baahiyaha ay doonayaan in laga gacan siiyo,wuxuuna tilmaamay inuu dhammaaday waqtigii deeqaha Soomaaliya la marsiin jiray hay’ado iyo NGO-yo gaara oo aan sidii la rabay wax ugu qaban Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna daboolka ka qaaday in caalamku uu mideeyey taageeradii uu Soomaaliya siinayey,wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in dadkii Soomaaliyeed ay caalamka hor dhigeen baahidooda caalamkune uu u heelan yahay sidii uu Soomaalida u taageeri lahaa.
Madaxweynaha dalka Xasan SH Maxamuud ayaa meesha ka saaray inuu madmadow ku kala dhexjiro dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira qaarkood,wuxuuna farta ku fiiqay in dowladda Soomaaliya ay matasho guud ahaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in shirkani noqon doono kii Soomaaliya ka saari lahaa dhibaatada dabada dheeraatay ee dalku uu ku raagay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho