Muqdisho[RBC Radio]Waxaa markii ugu horeysey magaaladda Muqdisho ka furmey tababar an horey guddaha Soomaaliya loogu qaban kaaso la siinayo haweenka Soomaaliyed ee kunool xeryaha barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho iyo Shabeellada Hoose.
Tababarkaan u furmay haweenka Soomaaliya ayaa waxaa bixinaya saraakil ka tirsan xarunta taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho.
AMISOM waxay sheegen inay doonayan isku filnaasho inay gaaran haweenka barakacayaasha ah ee la kulma Tacadiyo jirdil iyo kufsi iskugu jira oo ay ciidamada DF iyo maleeshiyo hubaysani ka geystaan xeryaha barakacayaasha,waxana muddooyinkii danbe soo baxaysey tiradda haweenka Soomaaliyed ee la kulmaya dhibaatooyinka kaga imaanaya ragga maleeshiyadka ah.
Hay’adda Amnesty International ayaa waxay soo sartay warbixin bishii March, 2013,waxana ay soo bandhigtay korarka dhibaatooyinka loo gaysanayo haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha kuwaaso inta badan kufsi lugula kaco.
Tababaradda xiligaan u furmay qar ka mid ah haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ka mida sidii ay haweenaydu iskaga badbaadin lahayd kufsi iyo qaabka ay isku difaaci karto hadba xaaladay ku sugantahay.
Waxaa ay noqonaysa isku daygaan ay wadaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya kii ugu horeeyey ee dalka laga hirgaliyo iyadoo ujeedaduna ay tahay sidii ay isga dhicin lahaayeen ragga dhibaatadda u geesta haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha.
Sidoo kale waxay arrintaan ku soo aadaysa xili dowladda faderaalka Soomaaliya ay horey u sheegtey in ay guddi gaar ah u saari doonto tacadiyadda loo geesto haweenka Soomaaliyed.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio