Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay iney samaysay ciidamo dhar cad ah oo dabgal ku samayn doona dadka faflka amni xumo ka gaysta magaalada Muqdisho

Image may be NSFW.
Clik here to view.
guuleed 1
Muqdisho{RBC Radio} Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee xukuumada federaalka soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in hay’ada  nabad sugidda qaranka ay xooga saartay sidii ay u heli lahayd xogta dadka ku howlan qalqal gelinta amaanka qaranka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka qaranka ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay hay’ada Sirdoonka qaranku ku howlaneed qorshe cusub oo loo dejiyay sugida amaanka si  looga digtoonaado qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ururka alshabaab ka gaystaan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in ay  sameeyeen ciimado dharcad ah oo ku dhexjira Bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaas oo sir cad ka keeni doona qof kasta oo doonaya in uu amaanka dalka wax u dhibo gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Isbedelka lagu sameeyey Hay’ada nabad sugidda qaranka ay suurto gelisay in bishii Augusto oo kaliya la helay xog gaaraysa 330 oo  ay dhamaantoo qorsheeynayeen Argagixisada Alshabaab waxayna taasi muujinaysaa iney wali qatari jirto ” ayuu yiri wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka qaranka ayaa sheegay lasii xoojin doono howsha ay hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranku u hayso Bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles