Muqdisho{RBCRadio} R/wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa xalay casho sharaf u sameeyay culumaa’udiinkii ka qeyb galay shirweynihii looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa xagjirnimada ka jirta gudaha wadanka Soomaaliya.
Raysul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhaqan gelin doonaan qodobadii ka soo baxay shirweynihii qaran ee looga hadlayay xal u helida fahanka qaldan ee laga dhaadhiciyay dhalinyarada Soomaaliyeed.
R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida cad ee culumaa’udiinku u qeexeen caqiidada qaldan ee xagjirnimada, wuxuuna tilmaamay R/wasaaruhu in ay horgeeyeen shirka golaha wasiirada go’aanadii iyo talooyinkii ka soo baxay shirkii looga hadlayay xagjirnimada.
Culumadii iyo aqoonyahanadii xalay ka qeybgalay casho sharafta uu u sameeyey R/wasaarha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarx Shirdoon Saacid ayaa iyana tilmaamay sida ay mihiim u tahay in la helo nabad galyo buuxda ayna imaan karto marka lag hortago kuwa xagjirka ah ee diinta ka been sheegaaya, sida ay hadalka u dhigeen.
Wasiirka wasaarada Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge xirsi oo munaasabada xalay hadal ka jeediyay ayaa balanqaaday in wasaarada Warfaafinta ay kor u qaadi doonto wacyi gelinta Bulshada, waxa uuna sheegay in ay hore u wadday wasaarada warfaafinta wacyigelin Bulshada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho