Dhuusamareeb(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka ahlu sunna Waljamaaca ayaa dhaleeceeyey go’aanadii kasoo baxay shirkii culimada Soomaaliyeed dhawaan Muqdisho ugu soo gabagaboobay,Ahlu sunna ayaa sheegtay in qodobada shirka kasoo baxay aysan qusayn iyaga.
Gudoomiyaha golaha talada Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca SH Cumar C/qaadir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa gaashaanka u daruuray go’aanadii kasoo baxay shirkii Culimada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in shirkaas uu markii horaba ahaa mid bulshada lagu marin habaabinayey.
SH Cumar ayaa sheegay ineysan suurta gal ahayn in culimada shirtay ay ka hadlaan Xagjirnimada Soomaaliya ka jirta xilli uu sheegay in wadaadada shirka lagu casuumay ay yihiin kuwii Macalimiinta u ahaa Al-shabaabka dhibaatada ka wada Soomaaliya,wuxuuna culimada shirka ka qaybgashay ku eedeeyey iney fikirka ka midaysan yihiin Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha golaha talada maamulka Ahlu Sunna Waljaamaca SH Cumar C/qaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in qodobada kasoo baxay shirka Culimada ineysan iyaga qusayn,wuxuuna dhanka kale ka dhawaajiyey iney wadaan qorshe lagu qabanayo shir weyne ay iskugu yimaadaan culimadii la yaqaanay ee dalka sida uu hadalka u yiri.
Wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray in wadaado ka socday culima udiinka Ahlu Sunna iney shirka ka qaybgaleen,maamulka ahlu sunna ayaa dhaliilo isdaba joog ah usoo jeedinayey shirkii culimada Soomaaliyeed uga soo dhammaaday magaalada Muqdisho,kaasoo looga hadlayey sidii looga hortago lahaa Diinta oo si qaldan loo adeegsado.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho