Muqdisho (RBC) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qabashada shirweyne labaad oo looga hadli doono xagjirnimada kooxaha Al Shabaab iyo Al Qaacida kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan culimo iyo aqoonyahano caalamka ka kala imaanaya.
Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in shirkan uu noqon doon mid ah ka soo qeybgalaan wadamada Islaamka si looga hadlo dhibaatada ku talaxtagga diinta iyo afkaaraha Al Shabaab iyo Al Qaacida.
“Shirkan wuxuu noqon doona mid lagu taabagalinayo qodobadii ka soo baxay shirkii culimada Soomaaliya.” ayuu yiri raysul wasaaraha.
Wuxuu sheegay in dawladu ay rabto in culimada caalamka gaar ahaan kuwa wadamada Islaamka ay ka qeybgalaan talada ku aadan ka hortaga fikirka Al Shabaab oo ah shabakada argagagixo oo ku xiran Al Qaacida oo ah urir duniada ka hawgala.
Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhibaatada kooxaha argagixisada aysan ku ekeyn gudaha Soomaaliya, balse arkii horeba ay bannaanka uga timid dhibaataduna ay gudaha dalka soo gaartay.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa arrintan kaga dhawaaqay xaflad casho ahayd oo xalay uu u sameeyay culimadii 160 ka ahayd ee ka qeybgashay shirweynihii qaran ee ka tashiga ku talaxtagga diinta ee Arbacadii la soo dhaafay lagu soo gabagabeeyay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.