Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’ada Amnesty international oo ku eedeysay dowladda in ay barakic ku hayso qoxootiga degen guryihii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya

$
0
0

amnestyMuqdisho{RBC Radio} Hay’ada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda Aadaha ee Amnesty international  ayaa cambaaraysay barakicin ay sheegtay in lagu hayo shacabka degen xarumihii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya ay ku lahayd magaalada Muqdisho .

Sarkaal sare oo u hadlay Hay’ada Amnesty international ayaa sheegay in dadka barakacayaasha ah ee ku nool  xarumihiii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya ay barakacayaashu ka dhisteen guryo xooshado ka samaysan ayna hada adagtahay in ay ka guuraan, wuxuuna tilmaamay in ay hadda dad ka badan 370 Kun oo ruux ay ku noolyihiin xarumihii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya

Sarkaalka ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyey in ay xoog uga rartay goobo badan oo ay horey u degenaayeen dadka barakacayaasha ah. waxa uuna shaaca ka qaaday in aan la aqbali karin qorshaha ay waddo dowladu, wuxuuna sheegay sarkaalku in ay horseeday barkicinta dowladda dhimashaday 2 ruux oo ka mid ahaa dadkii xooga looga saarayay guryihiin ay degenaayeen.

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa jawaab kulul ka bixiyaya eedeynta ka soo baxday Hay’ada Amnesty international wuxuuna tilmaamay in Hay’adu aysan xaqiiqda waxba kala socon ayna si aan ka fiirsasho lahay u eedeysay Dowlda Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo adeegyadii danta guud taasina ay soo celinayso amaanka iyo bilicda magaalada” dowladu waxay ogtahay rabitaanka dadkeeda mana ogolaan doonto dhibaataynta shacabkeeda mana jirto dad lagu dilay markii laga saarayay guryaha”ayuu yiri Afhayeenka maamulka G/banaadir

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles