Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaramada Midoobay oo xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabilsan ee UNSOM ka furtay Kismaayo

$
0
0
Xafiisa  UNSOM oo Kismaayo laga furay

Xafiisa UNSOM oo Kismaayo laga furay

Kismaayo[RBC Radio]Waxaa maantey markii ugu haraysey magaaladda Kismaayo ee saldhigga uu ah maamulka Jubba laga furay xafiiska u qaabilsan QM arrimaha Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOM,waxana xafiiska uu kala shaqeyndoona maamulka KMG-ah ee Jubba siyaasada Qaramada Midoobay kaga aadan Soomaaliya.

Ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa magaaladda Addis Ababa kaga dhawaaq in magaaladda Kismaayo laga furi doono xafiiska UNSOM,kaaso fududendoona inay maamulka Jubba ka warhayaan siyaasada QM ee Soomaaliya,waxana ay noqonaysa balan qaad uu ka dhabeeyey Nicholas Kay.

Xafiiska waxaa maantey daah furey sargaal looso magacaabey xafiiska kasoo lugu magacaabo Cabdicasiis Maxamuud Fara-badane,waxana inta uusan xafiiska furin uu kulamo la qaatey Macallin Maxamed Ibraahim Maxamuud iyo Cabdiqani Jaamac oo ka tirsan masuuliyinta maamulka Jubba.

Waxana xafiiskan uu si KMG-ah uga shaqeyn doona garoonka diyaaradda ee magaaladda Kismaayo halkaaso uu shaqadiisa ka bilamidoonto,waxana xafiiska Kismaayo ay QM gaar ahana UNSOM uu imaanaya xili uu horay uga howlgalayey Muqdisho iyo Garoowe oo saldhiggyo uu ah dowladda faderaalka iyo Puntland.

Furitaankan xafiiska UNSOM ayaa ku soo aaday xili lasoo afjaray khilaafki siyaasaded ee u dhaxeeyey dowladda faderaalka iyo maamulak Jubba kuwaaso heshiis buuxa ku kala saxiixdey magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles