Britooriya[RBC Radio]Goobo badan oo ay ku ganacsanayey dad Soomaali ah ayaa boob logu gestay dalka K/afrika gaar ahaan magaaladda Britooriya.
Magaaladda Britooriya waxaa ay kamitahay magaaloyinka sida weyn ganacsiga ay ugu leeyihin ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka K/afrika waxana intaa badan ay dhibaatoyin kala kulman dadka madoowga ah ee uu dhashay dalkaasi iyagona inta badan ugesta dhac oo ay dhacayaan goobahoda ganacsi oo ay kusoo qadan weerar toos ah halka kuwo kalana ay geestaan dilal dilalkaasi oo yimaada markii ay ganacsatadu isku dayaan inay difaacan goobahoda ganacsi.
Maalmihii lasoo dhafay ayaa waxaa boob xoogan loo gestay ganacsato farabadan oo ku dhaqan duleedka magaaladda Britooriya kadib markii ay isku dhacyo dhex mareer dhalinyaro madoow ah oo u dhalatay K/afrika iyo ganacsatadda Soomaalida ah ee dalkaasi.
Mid kamid ah ganacsatadda Soomaalida ah ee boobka loogestay goobtisa ganacsi oo lahadlay wargees kasoo baxaa dalkaasi K/afrika ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhafay ay u imanayeey dhalinyaro madoow ah kuwasi oo hanjabadyo kala gadisan ganacsatadda u sheegayey iyadoona ugu danbeenti werar xoogan ay soo qadeen dhalinyaradaasi madoowga ah tasii oo sabbabtay inay isku dhac uu dhex maro labada dhinac,Soomaali farabadaan oo ganacsato ah ayaa isku dayey inay difaacan goobahoda ganacsi iyadoona ay laba dhinac ay noqdeen labadaasi dhinac oo kala ah dhalinyarada madoowga ah ee dalkaasi uu dhalatay iyo ganacsatadada Soomaaliyed waxna la sheegaya in arintu ay sii xumatay marki dhawac uu soo garay mid ka mid ah dhalinyarada weerarka soo qaday kasoo dhawaca ay soo garsiyen ganacsatadda Soomaaliyed,waxana soo korar tay burcadii marki midkamid ah uu dhawacmey iyagona weerar rogal celis ah kusoo qaday ganacsatadda Soomaaliyed tasi oo sabbabtay inay goobahoda ganacsi ay ka kala firxadan Soomaalidi ganacsanaysay ayna burcadu rarteen agabkii ay ku ganacsanayeen badan kooda.
Ganacsatadda Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan ayaa inta badan ka cowda dhibaatooyinka kaga yimada dadka K/afrika u dhashay inkasto aysan jirin ciid ka jawaabta cabashadooda.
Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa sheegay inay wadaan da daalo ka dhan ah dhibaatoyinka ay la kulmayaan ganacsatadda Soomaaliyed ee dalkaasi ka ganacsata.
Majiraan illaa hadda ciid loosoo qab qabted boobka lugu la kacay goobaha ay Soomaalida ganacsiga ku leyihiin ee magaaladda Britooriya.
Ma ahaa arin cusub in dhibato lugu lakaco ganacsatadda Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika waxana inta badan wararka ka imada dalkaasi ay soo sheegan in sacad walba dhib loo gesto dad Soomaali ah oo inta badan ganacsato ubadan.
Arintaan ayaa waxa ay ka dhigaysaa in ay san wali joogsan dhibta ay lakulmayaan ganacsatadda Soomaaliyed taasi oo mujinaysa inay wali jirto dhibaato lugula kaco Soomaalida dalkaasi ku ganacsata.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio