Miskiin…..Miskiin…… Yaa Miskiin!!!
Zeinab Abdirazak
zeinabats@gmail.com
Sabteembar 11 2013
Jawaab ku saabsan waraysigii Cabdishakuur Mire Adan
Waxaa bogga Raxareeb lagu waraystay Wasiir Dowlaha Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Cabdishakuur Mire Aadan. Wasiirku waxa uu saadaaliyay in 90% ay dawladda uu ka midka yahay ay xukunka ku soo laaban doonto…………….Aragtidaas gaaban Fikirkan oo kale markii ay Carabtu aragto waxa ay dhihi jireen: Miskiin…..Miskiin…… Yaa Miskiin!!!
(Haddii aan ku gafyna xaal ayaan ka bixinayaa) Wasiirku waxa uu ku hadlay caqli aan fadhiyin, balse aad u foorara, haddii hadaladii Wasiirka qaar ka mid ah aan soo minguuriyana waxa uu yiri:
..…””Cid walba Madax bey leedahay,waadna garaneysaa Madaxdayada,waxaa noo sharaxan Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii shanta sano ka dhabeeyey wixii ay dadkan higsanayeen….”
Markii uu Wasiirku sidaas yiri ayaan waxaan soo xusuustay sheeko Soomaali hore oo tiri:
Beel reer guuraa ah ayaa goor subax ah dhaan u kacay, waxaana guryihii looga tagay carruurtii oo kaliya. Carruurtii intii laga maqnaa waxaa u yimid nin waalan oo Mindi sita! Carruurtii ayuu mid-mid intuu u soo qabtay dhammaantood indhihii ka saaray. Dadkii aroorka ku maqnaa markii ay yimaadeen ayay waxay la kulmeen nin waalan oo mindi dhiig leh gacanta ku haysta & carruurtii oo dam ah, dhiiggu qubanayo oo indhihii laga saaray, xannuuna la gal-galanaya. Markii ay ninkii hiifeen oo haaraameen ayuu ninkii waalaa waxa uu yiri: Wallaahi waad iska buuqaysaan ma ogidin falkaan aan geystay dhibka aan ka maray!!. Waa ku rafaaday oo ciidan xumo xoog leh ayaan hawshan kala kulmay. Mid intaad indhaha ka fagayso kuwii kale wax kuu qab-qabta ma haysid. Kaad indhaha ka saarayso laftigiisu waa uu farganayaa oo wax kuu ciidma oo kula qabta ma haysatid, inta aad mid ku hawlan tahay kuwii kale oo rafanaya ayaa digada cunaya…..anigii meeqa qof ayaan noqdaa…..wallaahi ciidan xumo weyn & rafaad ayaan arrinkan kala kulmay idinna waa iska hadlaysaan oo aniga ayaad dacwo ii haysataan!!
Maamulka Faroole, oo Cabdishakuur uu ka midka yahay waxa ay la mid yihiin ninkii waalaa ee carruurta indhaha ka guray ee u haystay in uu hawl adag qabtay.
Mar kale Wasiirku waxa uu yiri:….””Run ahaantii anagu, waxaan ku naalooneynay oo dalka iyo dadkaba la rabnay inay dhacdo Doorasho qof kasta uu xor u yahay dadkuna ay doortaan cidey iyaga Hoggaamin lahayd taas waad aragtay oo waa la Joojiyey ….””.
Wasiirku ma waanu beenta ka xishoonayn!! Sidee ayay ku dhici kartaa doorasho xor ah oo qof walba oo reer Puntland ah ka qayb qaato iyada oo aan dadka la tirin, waraaqo aqoonsina aan la samayn? Waa yaabe Wasiirku ma is yeel-yeelayaa mise caqligaa intaa ka noqday?
Haddana Wasiirku waxa uu yiri: …””66-ka dadka diidanaa in Doorasho la qabto ayaa markii hore ku haminayey marka magaran karo Cabsida gashay,waxaana u malaynayaa iney tahay Kalsooni daro,dadku waa wada qabaa’il ,qabaa’ilka ayaa soo xulaya Xubnaha Baarlamaanka nin kasta oo Siyaasi ahna wey u siman yihiin anaguna Xubnaha soo xuli doona shaqo kuma lihin laakiin xaq waxaan u leenahay inaan tartan…””
Waawareey…..….Wasiirku been badanaa!!!……. Kii hore ee Warfaafintaba (Weer ciyayn) ka been badan,. Waxaan dhihi karaa inta badan qabaa’ilka ay ka imanayaan 66 ka Xubnood- kooxda Faroole waa ay gor-goriyeen oo lacag ayay la hoos ordeen wixii Alle ka siiyaba……….Laakiin sidii horayba loo yir: Lacagi waa Cunis!! Lacag kasta oo la bixiyo runtu waa meel…………..Faroole waa socday inta sida Cabdishkuur arrinkaas ka rajo qabtana har cad & goor aan hurdo jirin ayay riyoonayaan waayahaana wax bari doona oo Ilaahay idankiis waa hubaal in ay gudcur indhaha ku kala qaadi doonaan.
Ugu dambayntii Wasiirka oo ka hadlaya safarka Ina Cali Shire ku tagay Taleex waxa uu yiri: “”Wuxuu meesha u tagay in la dhameeyo xurguf iyo Isfaham-waa yaryar deegaanka uu asal ahaan kasoo jeedo mana ahan dagaal lagu qaaday Somaliland Somaliland iyadaa haysta dhul,iyada ayaa sharci-daro ku joogta mana ahan Ujeedadayadu Puntland inaan dagaal gelino si aan Xukunka u sii dheereysano….””
Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun…….. Wasiirku halkaas waa isku gunaanaday oo waxa uu ku hadlay ra’yi aan qof mas’uuliyad sheeganaya aanu ku hadli Karin!!. Waxa uu cod buuxa ku yiri, oo waliba ku dheereystay in dhulkii Puntland oo ay haysato Somaliland in madaxweyne ku xigeenkii Puntland uu hawlo dib u heshiisiin ah u joogo!!…….……..Taas waxaan filayaa jawaab uma baahna ee aan niraahno: Jinaazada ha lagu tukado!!!!
=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM