Muqdisho[RBC Radio]Magaaladda Muqdisho ee caasumada dalka waaa galbtay ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadleyey shir muddadaan ka socdey Muqdisho oo lugu heshiisinayey beelaha dega gobollada Jubbooyinka sidii loogu weecin laha magaaladda saldhigga uu ah maamulka Jubbooyinka ee Jubba.
Kulankaan ayaa ahaa qado sharaf loo fidiyey waftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba kuwaaso Muqdisho maalmihii ugu danbeeyey ku sugna.
Waxaa soo qaban qaabiyey shirkaan odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka waxana ku waheliyey kulankooda masuuliyin kasocdey dowladda faderaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiiro ka tirsan dowladda,xildhibaano iyo haween.
Daah-furkii shirka waxaa haddalo ka jeediyey xubno ka mid ah salaadintii shirka soo qaban qaabiyey,waxana dhamaantood ay soo jeediyen haddalo soo dhawen iyo taageero isugu jirta oo ay u mujiyeen madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe,waxana dhinaca kale ay ku amaanen sida wanagsan ee uu xiligaan u dar dargalinayo xalinta iyo saxidda khilaafadka dadka reer Jubba.
…”"‘Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu muujiyey dadaal badan oo laga arkayo inuu kusoo jiitey shacabka uu maamulo,taasna waxan dhankeena haddan nahay salaadinta Jubbooyinka leenahay wan taageersanahay waxana garab taganahay maamulka iyo hoggaankiisa…”"”ayey yirahdeen qar ka mid ah salaadinti shirka ka qeyb gashey soona agaasintey.
Salaadintii kulankaan ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Muuse Barre, Ugaas Faarax Cabdi Sheekh, Ugaas Honero, Suldaan C/caafi, Suldaan Aadan Garab, Suldaan Waalow, Suldaan Maxamed Muuse Lugoloox.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG-ah ee Jubba Gen. Cabdulaahi sheekh Ismacil (Fartaag )ayaa isna madasha ka jeediyey hadal mahad-celin ah oo uu ujeediyey salaadinta gobollada Jubbooyinka ee shirkaan qadadda ah soo qaban qaabiyey.
…”"”Waxaa wax lugu farxa ah sida wanagsan ee ad qadaddaan usoo agaasinten iyo haddalada na dhiira galinayaa ee ad horteena ka jeedisen,waxan idin ku taageereyna sida ad u go’aamisen in shirkii dibu heshiisinta beelaha Jubbooyinka Kismaayo u weecesan…”"‘ayuu yiri Ger.Fartaan madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba.
Wasiirka warfaaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi ayaa isna ku hadley afka dowladda faderaalka waxan uu sheegey in waxay ku qanceen lagawada-hadlley ayna tahay guul ay gaaren dadka gobollada Jubooyinka inay kuwada qanacsanyihiin maamulkoodda ayna kawadda tashaddaan ayaaha dad iyo deegaan.
…”"”Waxaa madasha iga muuqata qanacsanaanta dadka Jubbooyinka ee ay ku qanacsanyihiin maamulkooda,taasna waxaa ay tahay guul ay gaaren,waxaa kalo i farxad gelisey sida ad ugawada-hadlleysan aayaha dadkiina iyo deegaankiina,waxana soo dhaweenaya inad shirarka dibu heshiisined ku qabsataan Kismaayo oo saldhigg uu ah maamulkiina,ka dowladda ahaana wan soo dhaweeneyna go’aamada ad isla gaarten….”"”ayuu yiri wasiir Ciilmooge.
Ugu danbeenti waxaa isna shirkaan hadal ka jeediyey madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxana uu sheegey inuu ad ugu faraxsanyahay in salaadinta gobollada Jubbooyinka isla gartaan shirkii dibu heshiisinta in loo wareejiyo Kismaayo si halkaa loogu dhameeyo waxaa is maan dhaf ah ee dhex yaala beelaha Jubbooyinka.
Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu u mahad-celiyey dhinacyaddii shirkaan soo qaban qaabiyey.
…”"”Waxaan ad ugu faraxsanahay in la geeyo Kismaayo shirkii dibu heshiisinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka,taasna waxay muujinayta wanagaa iyo israbidda dhex yaala beelaha Jubbooyinka maadama waxii ay iska tabanayaan ay ku xalinayaan deegaankooda,waxan garab taaganahay marwalba wixii ad isla garataan,waxana idin kaga mahad-celinayaa dadaalka ad ugu jirtaan horumarka deegaankiina,waxana si gaar ah ugu mahad-celinayaa salaadinti iyo haweenkii shirkaan soo qaban qaabiyey…”"‘ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Kulankaan ay isku arkeen beelaha dega gobollada Jubooyinkan ayaa waxaa uu ka danbeeyey kadib markii maalmihii ugu danbeeyey uu shirar gooni gooni ah magaaladda Mugdisho uu kula yeeshey madaxweyne Axmed Madoobe salaadinta iyo waxgaradka beelaha Jubbooyinka isagoona ku qanciyey wixii xur guf ah ee dhex yaala inay ku xalistaan deegaankooda.
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio