Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf oo Muqdisho kula kulantay wafti ka socda dalka Shiinaha

$
0
0

fowsiya ccMuqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka kula kulantay wafti ka socda dalka Shiinaha oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay kulan ay la qaadatay waftiga ka socda dalka Shiinaha,waxayna sheegtay in waftiga oo uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya in ujeeedkoodu yahay sidii ay dib u dayactir ugu samayn lahaayeen xarumo dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho.

Fowsiya ayaa sheegtay in waftigu ay qiimaynayaan xarumaha garoonka  Ciyaaraha kala duwan ee Istaadiyow Muqdisho,golaha murtida iyo madadaalada Tiyaatarka qaranka iyo Cisbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dhammaantood ah goobo ay dhistay dowladda Shiinaha.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaantay in waftigu ay horu dhac u yihiin dhaqan galinta heshiisyadii ay dalkaa kusoo kala saxiixdeen waftigii ay hogaaminaysay ee gaaray dalka Shiinaha iyo dowladda dalkaas,waxayna intaa ku dartay in Shiinuhu uu sidoo kale dhismo ku bilaabayo dhulka Safaaradooda ku taalla magaalada Muqdisho.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa tibaaxday in dowladda Shiinuhu ay ka dhabaynayso ballan qaadyadii iyo heshiisyadii ay la gashay Soomaaliya,waxayna tilmaantay iney sida ugu dhaqshaha badan iney dalka ka bilaabayaan Mashaariicda dib u dhiska dalka.

Garoonka ciyaaraha Istaadiyow Muqdisho ayaa xiligan fariisin u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika oo dhowr jeer oo hore loogu baaqay iney banneeyaan,waxaana xiligan ka muuqda burbur baahsan oo  laga dhaxlay dagaaladii dalka ka dhacay,Tiyaatarka Qaranka ayaa isne xiligan ka muuqda burbur xooggan, halka Cisbitaalka Banaadirne ay burbursan yihiin goobo kamid walow intiisa badan ay ka badbaaday waxyeelada dagaaladii Muqdisho ka dhacay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles