Garoowe[RBC Radio] Waxaa maanta lagu daah-furay Xarunta Baarlamaanka Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Olole loogu magic daray Aada Dugsiyada oo loogu talagalay iney ka faa’ideystaan Ubadka Soomaaliyeed ee aan Waxbarashada helin.
Ololahaan loogu magic daray “Aada Dugsiyada “ayaa furitaankiisa,waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka,Wasiirada amniga,Maaliyada,Waxbarashada,Hay’adaha Caalamiga ah iyo marti sharaf kale.
Furitaanka Ololahaan,waxaa hadal kasoo Jeediyey Aggaasimaha Guud ee Waxbarashada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab,wuxuuna sheegay in Ololahan ay ka faa’ideysanayaan Carruur gaareysa 200,000 isla markaana 50-kun oo kamid ah loo Tababari doono Xirfadaha gacanta.
Aggaasime Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in Miraha kasoo baxa Ololahaan mudada uu socdo la filayo In:
01. Baahinta fursadaha Waxbarashadada dhammaan Carruurta gaartay da’da Waxbarashada isla markaasna wiilasha iyo gabdhaha si Is leeg iga Faa’ideysanayaan.
02. Xaqiijinta helitaanka Xuquuqda Waxbarasho ee ay leeyihiin Carruurta bannaanka ka taagan goobaha Waxbarashada.
03. Dhiirigelinta dhalinta aan shaqeyn iyo kuwa danyarta ah ,ka faa’ideysiga fursadaha Waxbarashada dadban iyo xirfado shaqo abuur leh.
04. Hagaajinta Maamulka Waxbarashadda iyo Dugsiyada iyo kor u qaadista Xirfadaha Maamulka iyo tayada Waxbarashada.
Mudane Maxamed Cabdiwahaab ayaa tilmaamay in Ololahaan “”Aada Dugsiyada” ay ka faa’ideysanayaan Ardeyda dugsiyada hoose dhexe 137,400 iyo Waxbarashada dhalinyarada 62,600 dhalinyaro ah.
Sidoo kale Furitaanka Ololahaan ayaa waxaa khudbado kasoo Jeediyey Madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ka Caawinaya fulinta Ololahaan,waxayna dhammaantood soo dhaweeyeen dadaalka loogu Jiro in Carruurtu Iskuulku tagaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlay Ololaha ayaa sheegay in ay garab Istaagayaan Ololahaan Aada Dugsiyada isla markaana uu yahay mid Faa’ido ugu jirto Ubadka Soomaaliyeed.
Wasiirada amniga iyo Maaliyaada Dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan iyo Faarax Cali Shire ayaa usoo Jeediyey Carruurta iney sida ugu haboon uga faa’ideystaan Ololahaan mudada uu socdo.
Ololahaan Aada Dugsiyada ayaa si rasmi ah uga wada furmay guud Soomaaliya sida Muqdisho,Garoowe iyo Hargaysa,waxaana la sheegay in uu socon doono 2013-2016.
________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso