Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb-galay furitaanka Laba Dekadood oo cusub oo maanta laga dhagax dhigay Djibouti [War-saxaafadeed +Sawirro]

$
0
0

1

Djbouti[RBC Radio]Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo Marti-sharafta 1-aad ka ahaa munaasabad balaaran oo lagu furayay Dekadihii 6-aad iyo 7-aad ee Dalka Djibouti oo uu weheliyo Madaxweynaha Dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa ay dhagax dhigeen Dakadaha cusub ee Djibouti oo qaban doonta adeegyo kala duwan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dalka Djibouti munaasabadihii lagu dhagax dhigayay labada Dekadood ee Dameer-joog iyo Dorale oo fulin doona adeegyo badan oo dalka iyo gobolka ah.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aaminsanyahay, kuna shaqayn doono fikirka ah in Dekadaha Gobolka iyo Soomaaliya la balaariyo isla markaana la casriyeeyo dhamaan Dekadaha ku yaala Xeebaha Soomaaliya si ay ugu adeegaan Soomaaliya iyo Geeeska Afrika.

“Hammigu waa in ka sokoow khayraadka Soomaaliya la abuuro dhaqaale kasoo xarooda Dekado casri ah, Soomaaliya waxaa ay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika iyo Bad khayraad badan.” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga dalka Djibouti booqasho rasmi ah oo qayb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay iyo Soomaaliya.

—-Dhamaad—-
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Email:ridwaanhaji@gmail.com

5

6

3

1
_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles