Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey wafti ka socday dowladda oo uu hogaaminayey Wasiirka arimaha gudaha iyo aniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimi degmooyinka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam ayaa gacan qaaday masuuliyiintii garoonka kusoo dhaweeyey oo ay kamid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed,wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta,gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho,saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa si wadajir ah shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay gudaha garoonka diyaarada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa sheegay inuu dhammaaday khilaafkii kala dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay inuu Muqdisho nu yimid sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii Addis ababa.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay iney soo dhaweynayaan socdaalka uu magaalada Muqdisho ku yimid madaxdaweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba Axmed Madoobe,intaa kadib ayaa waftiga waxaa loo galbiyey halkii ay ugu talagashay dowladda federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho