Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxwenaha maamulka KMG-ah ee Jubba iyo wafti katirsan maamulka oo gordhawed ka dhoofey Kismaayo kuwana wajahan Muqdisho[Sawirro]

$
0
0

5

Kismaayo[RBC Radio]Waxaa goor dhaweed ka ambabaxay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe),waxana waftiga qeyb ka ah madaxweyne ku-xigeeka maamulka Jubba,afhayeenka maamulka,guddoomiye ku-xigeenka magaaladda Kismaayo iyo masuuliyin kale oo katirsan maamulka.

Watigaan ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Kismaayo ayaa kusii wajahan magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,sida ay xaqiijiyen dhinacyo ka mid ah waftiga oo warbaahinta Kismaayo kula hadley.

Madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa saxaafadda kula hadley garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo,waxana uu ka warbixiyey socdalkooda iyo halka ay ku wajahanyihiin.

Madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Axmed Madoobe

Madaxweynaha maamulka KMG-ah ee Jubba Axmed Madoobe

…”"‘Waxaan maantey usocona inaga iyo waftigeyga inan gaarno magaaladda Muqdisho waxana halka ugu socona sidii an ula soo kulmi lahayn madaxda dowladda faderaalka,waxana sidoo kale qorsheynayna inan Muqdisho kasoo ka xayno siyaasiyinta kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka si ay uga qeyb qaatan shirka dhawan Kismaayo ka furmaya ee ay iman doonan madaxda dowladda faderaalka…”"”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar ayaa dhinaciisa isna saxaafadda lahadlay,waxana dhankiisa uu sheegey inay xiligaan doonayan sidii ay ula hadli lahaayn siyaasiyinta kasoo jeeda gobollada Jubba,kuwa kasoo horjeeda maamulka iyo kuwa taageersan ba,si looga qeyb qaato horumarka maamulka uu xiligan higsanayo.

….”"”Waxan doonayna inan lahadalno siyaasiyinta kasoo jeeda,gobollada maamulka Jubba,kuwa na taageersan iyo kuwa naga soo hor jeedaba,ujeedadenana waa inan kawada qeyb qadana horumarka dadka iyo deegaanka…”"”"ayuu yiri Seeraar.

Madaxweynaha ku-xigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa isna maantey kasoo dagan garoonka diyaaraddaha Kismaayo waxana socdaalkiisa ku waheliyey guddoomiye ku-xigeenka maamulkii KMG ahaa ee degmada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer),kaaso muddadaan xaaladdisa caafimaad lugu dabiibayey magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Fartaag iyo Raadeer ayaa iyaguna markiiba ku labteey diyaaraddi ay racayeen waftiga madaxweynaha ee ku sii jeeda Muqdisho.

Madaxweye ku-xigeenka Jubba Fartaag ayaa isna saxaafadda lahadley waxana uu faah-faahin ka bixiyey shirkii Addis Ababa oo uu ku tilmaamey inuu ahaa mid guul kusoo dhamaadey,waxana dhinaca kale uu ka hadley socdaalkiisi uu kusoo marey Nairobi iyo Addis Ababa.

Waxaa lugu wadda in xiliga ay waftigaan gaaran Muqdisho inay la shiraan madaxda dowladda oo uu ka mid yahay madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud,waxana kulamadooda uu qeyb ka yahay shirar lugu iclaamiyey shirkii Addis Ababa kusoo dhamaadey.

Waa markii ugu horraysay oo wafti sare oo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe safar ku aado magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madaxweynaha maamulka Jubba.

2

 

3

4

 

1

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles