Bakool{RBC Radio} Maamulka dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Bakool iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalo ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolkaasi,gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa warbaahinta u sheegat in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay duulaan ku qaadeen deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee xarunta gobolkaas oo ay Al-shabaab gacanta ku hayeen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay iney dagaalkaas Al-shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro fara badan,wuxuua xusay iney ciidamo badan kaga dileenb isla markaane ay ka saareen goobihii lagu dagaalamay,wuxuuna sheegay ineysan jirin awood Al-shabaab oo sida uu sheegay hor istaagi karta cududa ciidanka dowladda Soomaaliya.
Maxamed Macalin ayaa tibaaxay in dagaalkani uu qayb ka yahay hawlgallada ay ku doonayaan iney Al-shabaab kaga xoreeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas,wuxuuna tilmaamay iney wada shaqayn la leeyihiin shacabka ku dhaqan gobolka Bakool oo ay iska kaashanayaan sidii Al-shabaab gobolkaas looga sifayn lahaa.
Dhanka kale war kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in cutubyo ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Al-shabaab iney weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen gobolka Bakool,waxayna sheegeen iney ciidanka dowladda gaarsiiyeen khasaaro Liaxaad leh oo iskugu jira,dhimasho,dhaawac iyo gaadiid dagaal oo ay ka gubeen.
Al-shabaab ayaa sheegay iney dharbaaxo kulul u dhufteen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaas,ma jirto cid ka madax bannaan labada dhinac ee dagaalamay oo xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ciidaada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanada ka tirsan gobolka Bakool.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho