Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maraykanka oo sheegay inuu wali ku raadjoogo Abuu Mansuur Al-amriiki oo dhawaan sheegay inuu ka baxay AL-shabaab iyo Al-qaacidda

$
0
0

abu mansuurWashington(RBC Radio) Dowladda dalka Maraykanka ayaa sheegtay iney wali ku raadjoogto Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriiki oo dhawaan shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba ka baxay urur weynaha Al-qaacidda iyo Al-shabaabka dagaalka ka wada gudaha Soomaaliya oo uu xubin furfircoon ka ahaa.

Saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay iney wali doon-doonayaan Abu Mansuur Al-amriiki oo dowladda araykanku ay sanadkii ka ku dartay Liiska dadka la doon-doonayo ee xiriirla la leh ururada argagixisada,Saraakiisha u hadashay Maraykanka ayaa sheegay iney baadi doon ugu jiraan xog walba oo horseedi karta dilka ama soo qabashada Cumar Xamaami oo madaxiisa uu Maraykanku dul dhigay 5 Milyan oo doolar.

Warka kasoo baxay Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Cumar Xamaami wali ay ku raadjoogaan Hay’adaha Sirdoonka Maraykanka isla markaane uu yahay ruux halis ku ah amniga gudaha Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ah oo aan magacooda la sheegin ayuu hadalkoodu kusoo beegmayaan markii dhawaan waraysi uu Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriiki uu u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA inuu ka baxay ka mid ahaanshihii ururada Al-shabaab iyo Al-qaacidda.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles