Muqdisho (RBC) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dawlada federaalka ah ku eedeeyay in dad gaar ah ay u xuleyso ka qeybgalka shirka Brussels ee dhici doona 16-ka bishaan Sebtember ee arrimaha Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir ayaa si gaar ah ugu eedeeyay xukuumadda iyo xafiiska madaxweynaha inay faragelin ku hayaan baarlamaanka hawlihiisa ka dib markii buu yiri, ay gacantooda ku xuleen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ka qeybgalaya shirka Brussels.
“Maadaama shirka Brussels uu yahay shir arrimaha Soomaaliya dhaqaale loogu ururinayo, waxay ahayd in guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka lagu daro wafdiga dawlada u meteli doona shirka Brussels, laakiin nasiib darro hadda waxaa muuqata in dad gaar ah loo yeeray oo magacyadooda la soo doortay.” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah guddiga amniga, iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka u meteli doona shirka ay masuuliyadeeda leeyihiin guddoonka baarlamaanka oo laga rabo inay iyagu soo xulaan xildhibaanada xukuumadda ku wehlinaya shirarka caalamiga ah, si loo ilaaliyo hab maamuuska nidaamka baarlamaanka iyo wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in shaqaalaha madaxtooyada ay ku jahwareereen shaqadooda, ayna madaxweynaha u horseedaan go’aamo khaldan, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday khudbad uu dhowaan madaxweynuhu ka jeediyey furitaankii shirweynaha qaran ee siyaasadda dalka ee ka socda magaalada Muqdisho.
“Waxaa yaab lahayd in madaxweynuhu uu ka jeediyey shirka inuu yiri dawladeyda wxba ma qaban karto beesha caalamka la’aanteed, dad badan oo i soo wacay ayaa arrinkaasi i weydiinaya, waxay ahayd in madaxweynaha laga hubiyo waxyaabaha uu khudbadihiisa ku sheegayo.” ayuu sii raaciyey xildhibaan Daahir Jeesow.
Eedeynta ka soo baxday xildhibaanka ayaa soo baxday xilli masuuliyiinta dawlada federaalka Soomaaliya ay isu diyaarinayaan ka qeybgalka shirka Brussels ee dhici doona bishan 16-keeda, kaasoo wafdi ballaaran oo madaxweynaha uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgali doono.
RBC Radio