Nairobi (RBC) Baarlamaanka dalka Kenya ayaa shalay [Khamiistii] u codeeyay inay isaga baxaan ka mid ahaanshaha Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada Dagaalka (International Criminal Court) taasoo dembiyo ku soo eedeysay madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa.
Fadhi baarlamaanka Kenya uu yeeshay shalay ayaa xildhibaanada muxaafidka ee ka tirsan isbahaysiga ay dawladu hogaamiso ee Jubilee waxay si buuxda ugu codeeyeen in Kenya ay isaga baxdo Maxkamadda ICC, halka xildhibaanada mucaaradka ah ay isaga bexeen fadhiga baarlamaanka iyagoo ka careysan dooda ku saabsan ka bixitaanka maxkamadda ICC.
Maxkamadda ICC ee xarunteedu tahay The Hague ayaa dembiyo dagaal waxay ku soo oogtay ninka madaxweynaha ka ah dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Labadan masuul iyo nin wariye caan ah ayaa loo heystaa kaalintii ay ka geysteen xasuuqii ka dhacay dalka Kenya sanadkii 2007 doorashadii ka dhacday kasoo boqollaal kun lagu laayey, laguna barakiciyey dad malaayiin gaaraya.
Warar hoose ayaa sheegaya in go’aanka baarlamaanka Kenya ay ka dambeeyaan madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa oo horey shirkii madaxda Midowga Afrika u horgeeyay in Midowga Afrika uu xiriirka u jaro Maxkamadda ICC.
Hase yeeshee Maxkamadda ICC waxay sheegtay in xitaa haddii Kenya ay ka baxdo Maxkamadda ICCin dacwada ka dhanka ah madaxda Kenya ee ku aadan xasuuqii ka dambeeyay doorashadii 2007.
Kenya ayaa ka mid ahayd saxiixayaashii Maxkamadda Caalamiga ee ICC, waxaana waddan kasta oo saxiixa maxkamadda ku waajibeysa in maxkamadda uu kala shaqeeyo soo qabashada dadka ay maxkamaddu soo eedeyso.
Go’anka baarlamaanka Kenya ayaa qaadan doona mudo sanad ah in ugu dambeynta dawlada Kenya ay isaga baxdo si buuxda xubinimada Maxkamadda Caalamka ee Dembiyadda Dagaalka ICC.
RBC Radio