Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Mudane Calasow fogaatey Ceebtuye Maxaa Caymo Noqon Kara? W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamuud

Mudane Calasow fogaatey Ceebtuye Maxaa Caymo Noqon Kara?
Dr. Saciid Ciise Maxamuud
saciidciise258@aol.com
Sabteembar 06 2013

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DR SICIID @ XISBIGA NABADA
Hogaamiyaha Soomaaliya wuxuu la kufay talada Dalka, rajana lagama qabo inuu ka soo kaco, mana muuqato cid kala talisa inuu tanaasulo. Talo-xumida ay la tukubeyso madaxda dowlada waxey ka soo maaxatey hogaan-xumida madaxa ugu sareeya dowlada oo ku koobay abwaaneynta siyaasada dowlada koox gaara oo mu’adimiin ka ah talao-xumida ka taagan madaxtooyada. Ganacsato iyo wadaado si xaarana isku kaashaday ayaa is tusay doorkooda ku aadan in garbaha laga galo hogaamiyaha inta uusan gelin miyir-beel, waxaana Unka iyo Sacuudiga si gara loogu diray fariimo degdega, ujeedaduna tahay wadaadnimo xumida caalamku ku saaray xanibaada in laga fududeeyo.

Hogaaminta wanaagsan waxaa saldhig u ah xiriirin xoogan iyo maamul wanaagsan oo adeegyada dowlada gaarsiiya shacabka meelkasta oo ay joogaan. Hogaamiyaha wanaagsan waxaa tilmaan u ah shaqsiyadiisa oo laga helo astaanmaha: daacad, aqoon, iyo wadaniyad. Hogaamiyihii milateriga ee Kacaanka Oktoobar(AUN) wuxuu Soomaalida tusay kelitalisnimo in wax lagu maamuli karo, waxuuna saddexda tilmaan ka watey sifada wadaninimo oo keliya, sidaas oo ay tahay wuxuu ahaay hogaamiyaha keliya ee madaxda Soomaalida soo martay oo dalka xiriir caalimiya iyo adeegyada dowlada gaarsiiyey dhamaan degaanada Soomaalida. Hogaamyihii milatari(AUN) ee u horseeday in ciidanka Xabashidu ay Xamar ka dhigaan wada xabaalo wuxuu watey tilmaanta daacadnimo oo keliya, wuxuuna ku hor kufay caalamka iyo Soomaalidaba, waxaana laga dhaxlay inaan xoog keliya wax lagu xalin karin. Hogaamiyaha barakeysan ee hadda ka jira dalka, waxaa laga hayaa oo keliya tilmaanta aqoonta, waxaana hadda laga baranayaa isku dhexdhafka qabiilka iyo qabqablayaasha diinta oo dadka loo tuso xeelad dib loo casriyeeyey oo lagu doonayo isbedel in loogu sameeyo siyaasada si loo gaaro iftiinka aayokatalinta ummadda Soomaaliyeed. Saddexdaas hogaamiye waxey ka sinaayeen mabda’ weynaha qabyaalada oo ahaa diintooda.

Mudane Calasow wuxuu ka ilduufay Muqdisho ineysan ahayn Garowe, Soomaalidana ay u tahay magaalo ay xoolaheedu iyo dadkooduba ay ku dhan yihiin. Waxaa Muqdisho ka barakacay, kana qaxay dad lagu qiyaaso 3 malyan oo ah wadaniyiin Soomaaliya, waxaan sugeyney in Soomaalida dib loogu soo celiyo guryahooda oo loo sameeyo dibudejin, iyadoo laga raali gelinayo dhibaatada loo geystey, waxaase muuqata maanta Muqdisho iney noqotay goof beelu leedahay. U fiirso oo raadraac hantida dhaqaale ee dalka tilmaanteedu meesha ay u dhaceyso si aad u fahamtid siyaasada jihada ay u socoto. 1969 Soomaaliya waxey gacanta ugu jirtey hal qabiil oo awoodi siyaasadeed gacanta ku dhigay, inkastoo ay dalkii badeen faqri aysan xoolo ka tabcan, sababtayna madaxii ugu sareeyey dalka in lagu dilo, haddana waxey ehel dhow u ahayd shacabka Muqdisho oo aysan daneyneyn dhiig inuu siyaasadooda ku daato. 1990 Muqdisho waxaa milkiyey hantida dhextaaley hal beel oo dowladnimadii ay gacanteeda ku soo aruurtay, taasna waxey sababtay kalsoonidarro dhalisay inuu daato dhiig badan. 2013 waxey muqdisho gacanta ugu jirtaa hal beel oo madaxtooyadii, maamulka Muqdisho, dekeda, garoonka diyaaradaha, dhismayaasha ugu badan magaalada, qandaraasyada shisheeyaha, iyo xataa ciidanka dowlada 2/3 iney noqto hal beel. Dulucdu waxey tahay, maanta ceebta intaas gaarsiisan in la garan waayo ma filayo oo haddana ka sii darane weli lagu adkeysanayo in taloxumadaas shacabka Soomaaliyeed lagu qanciyo, waxey taas sidoo kale tilmaameysa in xoolihii laga dhacay shacabka Soomaaliyeed xiligii ku meelgaarka oo lagu maalgashaday Kenya ay hal beel oo keliya ay u heshay naasnuujin, welina xiriirka deeqaha iyo maalgelinta ay wakiil uga yihiin Nairobi, waxeyna markasta horseed u yihiin dhowrista danaha Kenya si ay uga badbaadaan in la dhaco hantidooda. Waa arrin mudan in la derso ee waa kuma shacabka la doonayo in la qanciyo ama xiiso u haya iney maqlaan guulaha dhalanteedka ah oo ay soo jeedinayaan madaxda dowlada? Waxaa maamulka Banadir iyo wasaarada arrimaha gudaha caado u noqotay dhaqankii Kacaanka Oktoobar oo qabqabta iyo gabley-shimbirka masraxa ku yaal taalada Jeneraal Daawuud(AUN) ku soo bandhigaya xeelad duugowday oo Soomaalidu ku soo hungootey, taas oo ah dadka tabarta yar ee degan xaafadaha ku dhow madaxtooyada in lagu soo qasbo imaatinka fagaarayaasha ku dhegen madaxtooyada si loo meelmariyo mariin-habaabinta ku aadan taageerada shacabka Banaadir ee dowlada. Runtu waxey tahay haddii la doonayo in siyaasad beena laga gado shacabka Muqdisho, geesinimadeeda waa in la yeesho oo Fagaaraha Tarabuunka la isugu yimaado.

Madaxtooyadu ma ahan gelgelin uu boor ka kici karo ama ay ka kacdo ceeryaamo la isku qarin karo, cidina ma mooga waxa lagu qorsheynayo madaxtooyada, waxeyna u muuqataa kooxda gaarka ah ee madaxtooyada iney tabar dhigtay, haddana ay dantu biday in la curiyo koox-diimeed salbalaaran leh oo sida Masar lagu sahmiyo tijaabinta awooda dalka. Waxaa dhumay dadaalka xusulduubka loogu jiro wadaado waranleeya in caarada warmahooda hal meel lagu kulan siiyo. Waxaa sidoo kale burburay dhismihii ciidanka oo madaxtooyada intaan ka ahayn uusan amni ka jirin Muqdisho, waxeyna u muuqataa howlaha ciidanku inuu ku soo koobmay ilaalinta amniga madaxda iyo galbinta safaradooda, waxaana la arkayaa in dhagax waaweyn loo adeegsanayo sidii askar sugeysa amaanka wadooyinka, sidaasna looga maarmay ciidanka nabadgelyada oo mushaar siintoodu madaxda dhibtay.

Waxaa sidoo kale ciirciirka iyo cabsida dowlada dhinac socda kulamo ujeedadeedu tahay dhiirogelin lagu garbogelayo xaraaruga ay ku sugan tahay dowlada. Dowladu markii ay quus ka istaagtey kalsooni kal iyo laab leh oo ay ka hesho dadweynaha, ayey u jeesatey dhinaca bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka. Waa arrin mudan in la derso ee ma bulshada caalamka ayaa shacab u noqoneysa Soomaaliya? Wax qarsoon ma ahan in bulshada caalamka daaha gadaashiisa ay go’aamada dowlada u soo min-guurineyso, haddana iyada oo og lahaanshaha go’aamadaas inay muujiso sida ay u taagereyso taladeeda oo ay u turjumeyso heshiisyada kuwo dowlada ka soo baxay. Maaweelada ay bulshada caalamka u muujineyso shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka turjumayaa iney jirto faragelin qarsoon oo ay shisheeyuhu ku hayaan arrimaha u gaarka ah Soomaalida. Waxaa hadda socda qorshe la doonayo in UNka xaafiisyadeeda lagu baahiyo dhamaan gobolada Soomaalida oo xilkii laga sugayey dowlada ay kaalinteeda buuxiso, taas oo ka durugsan waxqabad samafal ama horumarinta degaanka, waxeyna u muuqataa siyaasad cusub oo shishheyuhu ku damacsan yihiin iney dalka xoog ku qabtaan, waxaana sahanka UNka barbar socda in la keeno ciidamo fara badan oo ka socda UNKa, lana doonayo doorasho iney dalka ka qabtaan, laguna sifeeyo ciddii ka soo horjeeda rabitaankooda. Waxaa sidoo kale jira shirar maaweelo oo ka socda Muqdisho, kuwaas oo go’aamada ay ku dhowaaqayaan horay loo sii diyaariyey, natiijada ka soo baxdana ay noqoneyso si hordhaca in loogu taageerayo qorshooyinka UNka ay gadaal ka maleegeyso oo wakhtiyada dambe soo shaac bixi doona.

Dibuheshiisiin, doorasho xalaala, dhaqangelinta ama dib uga noqoshada federaalka, iyo dhab u hirgelinta xisbiyada siyaasadeed ma ahan mid koox gaar loogu yeertay iyo khubaro shisheeye ay wax ka qaban karaan ama jujuub lagu gaari karo xalka Soomaaliya. Waxaa jirta cadaalad muuqata iyo mid aan muuqan oo xoolo iyo dhiigba quseeya, mana sahlana in Faataxo iyo iscafis aan niyad ahayn lagu gaaro xal ka fog xaqiiqda kadib markii ay boqolaal kun oo rayid Soomaaliyeeda loo diray akhiro. Howlahaas waxaa ku habon in loo saaro gudiyo ka madaxbanaan dowlada oo shacabka la kaashada baaris cilmiyeysan iyo xal Soomaaliyeed in lagula xisaabtamo hantidii iyo dhiiga shacabka dadkii daadiyey. Waxaa Muqdisho looga diyaar garoobayaa dabaaldeg aan la saadaalin karin oo u muuqda inuu yahay damaashaad lagu diidayo in dowladu aysan mudnayn waxqabad ay ku muteysatay in lagu soo dhaweeyo sannadguuradeeda. Waxaana iskaashaday dhibaatooyin isbiirsaday oo kulmiyey iskacaabinta ay dad badan uga soo horjeedaan tacadiyada howlwadeenada dowlada ay kula kacayaan shacabka Muqdisho. Bisha September waa bil madow oo addunka ku soo kordhisa dhacdooyin xanuun badan iyo aafooyin, waxaana muuqata haddii aan Muqdisho laga helin isbedel siyaasadeed in calaamadaha muujinaya dhiig badan oo daata in muuqaalkoodu uu soo bislaanayo. Shacabka Muqdisho aad ayuu u hubeysan yahay, dowladiina ma jirto cid wax ka maqleysa, AMISOMna awood uma lahan in shacabka ay uga hiiliso dowlda. Eebe ha fududeeyo arrimahan murugeysan.

Rajada wanaagsaneyd ee shacabka Soomaaliyeed waxey hiigsaneysey in dowlada la doortay ay sameyso isbedel oo laga guuro qabiilka iyo koox-diimesiga dumiyey qaranimada Soomaaliyeed, loona guuro Soomaalinimo, Islaanimo,iyo dowladnimo Soomaaliyeed oo ka madaxbanaan tuugsiga shisheeyaha. Mudane Calasow ceebtu waa sii fogaataye maxaa caymis noqon kara? Mudane Sannadguuradaada aan kugu sagootino?

Dr. Saciid Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Muqdisho – Soomaaliya

saciidciise258@aol.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles