Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nabadoonka Maxamed Xaashi Cigaal oo Dhaliilay Maamul Goboleedka Puntland (Dhageyso)

$
0
0
Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal

Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal

Galdogob (RBC Radio) Iyada oo ay soo dhowdahay soo xulista baarlamaanka cusub iyo xiliga doorashada Madaxweynenimo ee Puntland una sharax yihiin siyaasiyiin badan oo kamid yihiin Madaxweynaha haatan jooga Mudane Cabdiraxmaan Faroole iyo R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Gaas ayaa waxaa soo baxaya beelo saluugsan wax qeybsiga Siyaasadeed ee Puntland, waxaa sidoo kale bilawday loolan ku wajahan kamid noqoshada baarlamaanka cusub ee Puntland.

Nabadoonka guud ee beelaha leelkase ee Gobolka Mudug Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal ayaa mar uu u waramay Raxanreeb.com waxa uu u sheegay in guud ahaa beesha Leelkase ay ku dulman yihiin nidaamka siyaasadeed ee Puntland marka loo eego Xildhibaanada, Waxbarashada, Deeqaha, Nidaamka Dowladnimo, iyo waxyaabo badan.

Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal oo ka waramaya aragtidiisa ku aadan isbadelada siyaasadeed ee Puntland ka socda waxa uu yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Isbadalada Puntland ka socda waa ay ila wanaagsan yihiin, laakiin aniga qof ahaan waxa ay iila muuqataa wax qeybsi sax ah in ay dadka Puntland ku nool ay wax u qeybsadaan gaar ahaan maamulka baarlamaanka oo 66 xildhibaan ka kooban in dadka Puntland si sax ah ay u qebsadaan ee aysan noqonin qolo gaar ah in ay qaadato ama waxa ugu badan ay qaadato dadkii kale oo ka qatan”

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.

“Dadka aan anigu oday dhaqameedka u ahay waxa ay gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug 3daas gobol ay dagaan baarlamaanka Puntland waa 66 Xubnood waxa oo qura oo ay ku leeyihiin 3 xubnood  taas oo ilaa markii Puntland la dhisay ay ka qeylinahayeen ay leeyihiin xaquuqdaas baa naga maqan”.

Deeqaha

Nabadoon Guud ee beelaha Leelkase ee Gobolka Mudug Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal ayaa Puntland ku dhaliilay in deeqaha noocyadeeda kala duwan ee soo gaara maamulka aan deegaanada beeesha la geynin.

Waxa uuna yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“15 sano ay Puntland dhisaneyd in mucaawino aysan soo gaarin, in aan waxbarashada ardadad loo kala dirayo Carabaha, Maleysia, Turkiga hal qof in aysan ku laheyn maadaama meesha wax lagu qeybsanayo aysan beesha tiradii saxda ahayd aysan ka joogin oo ah Baarlamaaka waxad mooda marka in beesha ay wax qeybsiga Puntland ay ku dulman yihiin”. ayuu yiri Caqilka.

Baarlamaanka Puntland

Caaqil Maxamed Xaashi Cigaal oo ka jawaabaya sida ay macquul ku tahay dulanka iyo eeda uu u jeediyey Puntland maadaama qofka sadexaad ee hogaanka Puntland uu yahay gudoomiyaha Baarlamaanka nin beesha Leelkase uu yahay waxa uu yiri

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Waa ay jirtaa in uu gudoomiyaha Baralamaanka uu meeshaas joogo waxaad moodaa in uu baarlamaankii uu masuul ka yahay laakiin masuul kama ahan waxbarashadii, Mucaawinadii kama masuul ahan isagu baarlamaanka waxa quseeya uun bey shaqadiisu tahay waqtigaan uu gudoomiyaha Baarlamaanka yahanya wax qeybsi ma aysocoto waxa wax qeybinahaya wasiirka waxbarashada, wasiirka arimaha gudaha, wasiirka amaanka, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, wasiirka caafimaadka, wasiirka warfaafinta, dhamaantoodna waa isku qoys oo waxa ay wax u qeybinahayaan si cadaalada ku dhisneyn oo ku dhisan eex iyo qaab aan umada u fiicneyn “

Gobolka Mudug

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Nabadoonka Guud beelaha Leelkase ee dega Gobolka Mudug waxa uu si gaar ah uga uga hadlay wax qeybsiga beelaha Puntland ee dega Gobolka Mudug waxa uuna yiri.

“Gobolka Mudug Gudoomiyaha Gobolka, ku xigeenkii, Gudoomiyii Degmada, ku Xigeenkii, Xisaabiyihii, Taliyaha Daraawiishta, Taliyaha malateriga, Taliyaha Nabadsugida dhamaantood waa isku qoys…. Umada Soomaaliyeed waxa ay u baahan tahay Cadaalad, Nabadgelyo, Dhaqaale abuur, Tacliin, Wadajir”

Kulankii Nabadoonka iyo Madaxda Dowlada Puntland

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Mar Raxanreeb ay wax ka weydiisay in Dowlada Puntland uu kala hadlay waxyaabaha uu ku dhaliilsan Puntland waxa uu yiri.

“Waan u gudbinay run ahaantii Garoowe ayaan tagay madaxweyne Cabdiraxmaan baan xafiiskiisa ugu tagay waxa uu igu yiri miyaan dowladii Maxamed Siyaad Bare wax idiin qaban markii aanu niri Iskooladii baa dhibaateysan dadkii baa biyo la aan ah jidadkii baa haleysan saldhig booliis maleh boosto maleh xabsi maleh wax in aad nala qabataan rabnaa waxa uuna noogu jawaabay dowladii Maxamed Siyaad Bare miyeysan wax idiin qaban”

Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Wasiirka caafimaadkaan ayaan u tagay 840 qof baa wasaarada ka shaqeysa ayuu igu yiri yaa dadka kaga jira ama garoowe ha daganaadeen ama bari ha daganaadeen, ama Mudug ha daganaadeen maya ayuu igu yiri, wasiirka maaliyadaa u tagay, wasiirka waxbarashadaan u tagay, wasiirka amaankaan u tagay, gudoomiyaha gobolkaan u tagay waan wada tagay waxa ay noqotay rati hal dhinac ka raran hade rati hal dhinac ka raran marka danbe haamuhuu hoosta marsadaa dowladnimada Puntland waxa ay noqoneysaa shacabka Leelkase xaqa u leeyihiin hadeysan ka helin in ay isaga tagaan oo umadaha Soomaaliyeed wax ku darsadaan oo dowlada Fedraalka ah waxa ay xaqa u leeyihiin aan loo marin Puntland oo iyaga toos loogu geeyo”.

Ugu danbeyntii Nabadoon Maxamed Xaashi Cigaal waxa dowlada Puntland ugu baaqay in ay dhamaan beelaha Puntland ay wax ugu qeybshaan.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Dadka Puntland waa dad wada dhashay waan in ay dowlada si cadaalad ah wax ugu qeybshaan oo aysan noqonin guri nin leeyahay”

Cawrala Qoricuud
RBC Radio
Galdogob

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles